Ciidamada Yahuuda ayaa Lixdii bishaan sheegay inay weerar balaaran ku qaadi doonaan waqooyiga marinka Qasa. Yahuuda ayaa duqaymo iyo weeraro toos ah ka waday xaafada Jabaaliya tan iyo xalay. Diyaaradaha cadowga ayaa tobonaan duqaymo ah la beegsaday guryo ay dagan yihiin dad shacab ah, kuwaas oo sababayay dhimashada tobaneeyo falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Duqaymihii u danbeeyay ee ay gaysteen diyaaradaha cadowga ayaa beegsaday xaafadaha Bayt Lahiya iyo Isbitaalka Kamaal Cadwan, 8 xasuuq oo ay gaysteen ciidamada gumaysiga Yahuuda 24-tii saacadood ee ugu danbaysay, waxaa ku shahiiday 56 falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 278 kale, dhinaca kale kooxaha wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa fuliyay hawlgalo dhawr ah, kuwaas oo sababay dhimashada laba kamida ciidamada Yahuuda iyo dhaawaca kuwo kale.
Kooxaha caafimaadka ayaa diiwaangeliyay dhimashada 17 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ku dhintay duqayn ka dhacday guryo ku yaala waqooyiga magaalada Rafax, oo ku taal koonfurta marinka Qaza.
Afar qof oo falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ku shahiiday magaalada Jabaliya kadib weerar lagu beegsaday agagaarka xarunta difaaca madaniga ah ee galbeedka xeradaas, wararka ayaa sheegaya in meydadka tobonaan shuhado ah, ay wali daadsan yihiin wadooyinka Jabaaliya, iyadoo kooxaha caafimaadka iyo dadka rayidka ah aysan awoodin inay gaaraan halkaas, sababo ku aadan goa’doominta iyo duqaymaha joogtada ah ee ay gaysanayaan diyaaradaha Sahaayinada.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza, ayaa sheegtay in waaxda caafimaadka ee gobollada waqooyi ee marinka Qaza, ay qarka u saaran yihiin inay burburaan shidaal la’aan awgeed, taasoo khatar ku ah nolosha kumannaan qof oo dhaawacyo ah, kuwaas oo lagu dabiibayo cisbitaalada.