Duqaymihii ugu Dambeeyay ee Ciidamada Sahaayinadu ka Fuliyeen Marinka Qaza.

19
0

Ciidamada Yahuudda ayaa sii wada duullaanka gardarrada ah ee ay ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Qaza, kaas oo sababay dhimashada Tobanaan qof oo shacab ah iyo dhaawaca tobaneeyo kale, taas oo ka  dhalatay duqaymo xiriir ah oo ay ciidamada Sahaayinadu ka fuliyeen deegaano kala duwan oo katirsan Marainka Qaza.

Laamaha caafimaadka ayaa Warbaahinta u sheegay, in 39 Falastiiniyiin ah ay ku shahiideen duqeynta ay Yahuuddu ka fulisay Marinka Qaza, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo shacab ah tan iyo shalay isniintii.

Ciidamada gumeysiga ayaa 8 Falastiiniyiin ah ku dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Al-Mawasi, oo hoy u ah kumannaan qof oo barakacayaal ah, taas oo ku taalla  galbeedka magaalada Khan Yuunis, ee koonfurta Marinka Qaza.

Tiro falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale lagu dilay kuwa kalana waa lagu dhaawacay duqeyn ay Yahuuddu ka geysatay goob suuq ah oo lagu isticmaalo Internet-ka oo ku taalla galbeedka magaalada Khan Yuunis.

Ciidamada gumeysiga ayaa dhowr jeer weeraro ku qaaday deegaanka Tal al-Xaawo oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada Qaza. Waxaa halkaas ku shahiiday tiro Falastiiniyiin ah.

5-tii bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar, ciidamada Yahuudda ayaa duullaan dhanka dhulka ah ka bilaabay waqooyiga Marinka Qaza, iyagoo ku andacoonaya inay ka hortagayaan dagaalyahanada wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here