Duqaymihii ugu dambeeyay ee Marinka Qaza.

47
0

Ciidamada Gumaystaha ayaa bilaabay weeraro iyo duqeymo ay ku bartilmaameedsanayaan xaafado ka tirsan Marinka Qaza, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo Falastiiniyiin ah, ayadoo ay ciidamada Yahuuddu ay wali sii wadaan go’adoominta ay ku hayaan magaalada Jabaaliya.

Wasaarada caafimaadka ee marinka Qaza ayaa sheegtay, in duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla xaafadda Al-Nasr ee waqooyiga Qaza, ay ku shahiideen 5 falastiiniyiin ah,  halka ay tiro intaas kabadana ku dhaawacmeen, wasaaradu waxay intaas ku dartay in ay jiraan dad wali la la’yahay,  kuwaasoo la rumaysan yahay in ay  ku hoos jiraan burburka dhismaha la weeraray.

2 qof oo falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen, duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ka gaysteen waddada Axmed Yaasiin ee waqooyiga magaalada Qaza.

Tiro Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay kadib markii ciidamada gumeysiga ay duqeeyeen  guri ku yaala deegaanka Tal Al-Zaatar  ee xerada Jabaaliya.

Ciidamada Yahuudda ayaa sii wada duqeymo culus oo ay ku garaacayaan deegaannada waqooyi-galbeed ee xerada Jabaaliya, waxayna sidoo kale maraakiibta Gumaystaha Yahuuddu gaysteen dhawr duqayn oo ay la beegsadeen xeebaha waqooyi- galbeed ee marinka Qaza.

Illo maxaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Yahuuddu ay sidoo kale duqeymo xooggan ku qaadeen magaalada Beit-Laahiya ee waqooyiga Marinka Qaza.

Difaaca madaniga ah ee Qaza, ayaa bayaan uu soo saaray ku  sheegay, in shaqaalahoodu ay burburka dhismayaasha duqayntu saamaysay  ay ka soo saareen, shahiidka 7 qof oo Falastiiniyiin ah,  halka 5 kalana laga soo saaray waddooyinka deegaanka Al-Faluja ee waqooyiga Marinka Qaza.

Sidoo kale waxay tilmaameen in labo duqeyn oo kala duwan ay ku shahiideen labo Falastiiniyiin ah, duqaynta Koowaad waxay ka dhacday  Waddada Al-Nuzha, halka midda Labaadna ay ka dhacday agagaarka Masjidka Al-Numan oo ku yaalla bartamaha xaafadda Al-Nazla ee  Magaalada Jabaaliya .

Dhankeeda, Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay shalay maqribkii, in Yahuuddu ay 4 xasuuq u geysatay dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Qaza, iyadoo tirada shuhadada la gaarsiiyay isbitaallada ay gaarayaan 55 shahiid, wasaaradu waxay intaas ku dartay in 329 xaaladood oo caabuq ah lasoo gaarsiiyay xarumaha caafimaadka 24-tii saacadood ee lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here