Duqeymaha ay Yahuuddu ku hayaan guud ahaan Marinka Qaza ee go’doonsan, waxaa ku shahiiday 24-kii saac ee lasoo dhaafay ugu yaraan 39 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah u sheegeen Warbaahinta.
Dadka degan Jabaaliya ee waqooyiga Qaza ayaa sheegay shalay Jimcihii, in taangiyada Yahuudda ay soo gaareen bartamaha xerada qaxootiga, iyagoo adeegsanaya duqaymo cirka iyo dhulkaba ah.
Magaalada Jabaaliya, waxaa shalay jimcihii ku shahiiday ugu yaraan 20 qof oo Falastiiniyiin ah, iyadoo Yahuuddu ay sii waddo go’doominta ay ku hayaan waqooyiga Qaza, oo ay ku jiraan Beit Hanoon iyo Beit Lahiya.
Waxaa magaalada Jabaliya laga gooyay isgaarsiintii, ayadoo gaadiidka dagaalka ee ciidamada Yahuudda ay dhowr jiho ka galeen xerada qaxootiga ee Jabaliya.
Dadka ku nool Jabalia iyo magaalooyinka u dhow ayaa sheegay in goynta isgaarsiinta iyo internetka ay hakad galisay howlihii samata bixinta ee kooxaha caafimaadka.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, inka badan 450 qof oo Falastiiniyiin ah inay ku shahiideen weerarada Yahuudda ee waqooyiga marinka Qaza, labadii toddobaad ee la soo dhaafay.