Duqaymo ay Diyaaradaha Maraykanku ka Gaysteen Magaalada Sanca oo Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca Dad Shacab ah.

25
0

Taleefishinka Al Masirah ee taageera kooxda Xuutiyiinta ee laga leeyahay dalka Yemen ayaa war kooban oo uu soo saaray ku sheegay, in weerarka gardarada ah ee uu Maraykanku ku beegsaday deegaanka Jadr ee waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Sanca ay ku dhinteen dad shacab ah, kuwaas oo lagu beegsaday guri ay ku sugnayeen.

Duqayntan ayaa la sheegay, inuu ku dhintay Hal qof halka 4 kalana ay ku dhawacmeen, dhamaan dadka dhaawacmay ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaladaas, waxaana marba marka kasii damabaysa kasii daraya duqaymaha laayaanka ah ee uu Maraykanku ku hayo dadka reer Yemen.

Horaantii shalay Axadii kooxda Xuuthiyiinta ee shiicada ah ayaa ku dhawaaqday, inay ku guulaysteen fulinta weerar loo adeegsaday gantaalada ballistic ah, kuwaas oo ay la beegsadeen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee ku yaalla bartamaha dhulka ay Yahuuddu gumaysato ee Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here