Duqayn ay fuliyeen ciidamada shisheeye oo ka dhacday Gobolka Galgaduud.

22
0

Ciidamada shisheeye ayaa xalay fuliyay duqayn ay ku beegsadeen dad shacaba, kuwaas oo kusugnaa gobolka Galgaduud ee dhaca bartamaha Soomaaliya.

Duqayntan oo ka dhacday deeganka Heele oo katirsan gobolka Galgaduud, waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah, waxaa sidoo kale duqayntan ku burburay Masjid ku yaalay deeganka iyo Ceel-biyood ay dadku ka dhaansan jireen.

Sawiro lagu faafiyay mareegaha internetka ayaa lagu arkayaa, qaar kamida dadkii ku dhaawacmay duqayntan oo ay fuliyeen diyaraha ciidamada shisheeye ee dalkan duulaanka ku jooga.

Halkan ka daawo sawirka mid kamida dhaawacyada iyo burburka soo gaaray Masjidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here