Diyaaradaha Yahuudda ayaa maanta oo Arbaco ah duqayn ka gaystay gudaha marinka Qaza, taas oo ay waxyeelo ku gaarsiiyeen dadka Falastiiniyiinta ee dib ugusoo laabanaya guryahoodii, kaddib 15 bilood oo ay ku jireen barakac joogto ah.
Ciidamada Yahuudda ayaa maanta sheegay in ay duqeyn cirka ah ku qaadeen Marinka Qaza, ayna ku dhaawaceen laba qof, kaddib markii ay isku dayeen in ay weeraraan diyaarad aan duuliye lahayn oo ka soo gudubtay koonfurta dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato ee Falastiin una gudubtay gudaha marinka.
Iskudayadan ayaa ah kuwo ay Yahuuddu ku doonayso inay ku jabiyaan heshiiska Xabad joojinta, ayagoo marmarsi ka dhiganaya, in ay ka hor tagayeen hub si qarsoodi ah lagusoo galinayay gudaha marinka.
Weerarkan ayaa imaanaya ayadoo Yahuuddu ay dib u dhigayso wajiga labaad ee heshiiska, taas oo keentay in dhanka muqawamadu ay wacad ku maraan inaysan sii dayn doonin maxaabiista Yahuuda illaa amar dambe, iyadoo Natanyahu uu ku hanjabay in uu dagaalka dib u bilaabi doonto.