Duqayn uu Maraykanku ka Gayastay Yemen oo Sababtay Dhimashada iyo Dhaawaca Dad Shacab ah.

12
0

Diyaaradaha Mareykanka ayaa maalinimadii Arbacada sii xoojiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaano ka tirsan caasimadda dalka Yemen ee Sanca. Warbaahin taageerta kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegtay, in duqeymo xiriir ah oo dhanka cirka ah uu Mareykanku ka fuliyay qeybo ka mid ah waqooyiga iyo koonfurta magaalada Sanca.

Ilo goob-joog ah ayaa warbaahinta u sheegay, in saddex duqeyn ay beegsadeen deegaanka Jarban oo ka tirsan degmada Sanxaan, Labo duqeyn oo kale ayaa lala beegsaday deegaanka Al-Jumaymah oo isna ka tirsan degmada Bani Xashiish, halka labo weerar oo kale ayagana lala beegsaday saldhigga ciidamada cirka ee Al-Dailami ee waqooyiga Sanca, duqaymahan ayaa sababay dhimashada illaa 2 qof, halka ay ku dhawacmeen 2 kale.

Gobolka Sacda ayaa ah xarunta ugu weyn ee kooxda Xuuthiyiinta, waxaana ay xuduud dhuleed la wadaagtaa Sacuudiga. Xuuthiyiinta ayaa sidoo kale magaalada Amran maamulayay tan iyo 2014-kii. 15-kii bishan Maarso, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu amar ku siiyay militariga dalkiisa inay qaadaan weerar weyn oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

Tan iyo fiidnimadii Arbacada, ku dhawaad ​​100 duqeymo oo dhanka cirka ah ayuu Mareykanka ka fuliyay dalka Yemen, kuwaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen tobanaan qof oo shacab ahaa oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here