Ciidamada Yahuudda ayaa barqanimadii maanta oo jimce ah iyo habeen hore duqeymo baahsan ka geystay deegaano badan oo ka tirsan Marinka Gazza, waxayna sidoo kale qarxiyeen dhismayaal ay degan yihiin Falastiiniyiinta Ku Sugan magaalada Jabaliya, kadib maalin ay ka dhaceen xasuuqo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof oo Falastiiniyiin ah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Yahuudda ay maanta barqadii weerar ku qaadeen guri ku yaalla xaafadda Sheekh Radwan ee waqooyiga magaalada Gazza.
Duulaankan ayaa yimid ka dib markii diyaarada ay la wareegtay ay bartilmaansatay laba xarumood oo hoy ah oo ku yaala xaafada Al-Tuffaax ee bariga magaalada Gazza, shalay oo Khamiis ahayd, taasoo keentay dhimashada 15 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca dad kale oo u badan haween iyo carruur, sida ay sheegeen.
Ciidamada badda ee Yahuudda ayaa sidoo kale barqadii duqeeyay xeebta magaalada Gazza, sida ay sheegeen ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah.