Duqeymo Cusub oo ay Yahuuddu ka Geysatay Agagaarka Caasimadda Dimishiq.

12
0

Warbaahinta dalka Suuriya ayaa sheegtay, in duqeymo cusub oo ay fuliyeen ciidamada Yahuuddu ay la beegsadeen goobo ciidan oo ku yaalla dhowr deegaan oo ku xeeran magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Duqayntan oo dhacday galabnimadii shalay oo Sabti ahayd, ayaa lagu beegsaday xarumo ciidan oo ku yaalla magaalada Hafir ee waqooyiga caasimadda Dimishiq, waxaa sidoo kale la burburiyay talisyadii ugu waawaynaa ee cidamadii hore ee Suuriya ay ku lahaayeen magaalada Mahjah ee baadiyaha bari ee Dirca.

Isla shalay Sabtidii diiyaradaha Yahuudda ayaa duqaymo culus ku bartilmaameedsaday  bakhaarradii lagu kaydin jiray hubka, waxayna duqayntani burburisay qaybta 18-aad ee kaydka Hubka, kaas oo ku yaalla baadiyaha Bari ee magaalada  Ximus.

Goob joogayaal ku sugan dalkaas ayaa intaa ku daray, in diyaaradaha dagaalka ee Yahuuddu ay sii wadaan duqeymaha ba’an ee ay ku hayaan dhulka Suuriya, iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanaya bakhaarrada lagu kaydiyo gantaallada Ballastikada ah ee ku yaalla gudaha buuraha, iyagoo xusay in tirada weerarrada Yahuuddu ay kor u kacday illaa 446 weerar tan iyo sagaalkii bishan aan ku jirno ee December, kuwaas oo lala beegsaday 13 gobol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here