Guutada madafiicda ee xarakada Alshabaab ayaa habeenkii xaley weeraro madaafiic ah ku qaaday saldhigyada iyo xarumaha ciidamada DF ka ay ku leeyihiin gudaha magaalada caasimadda ah ee Moqdisho.
Goobaha xaley madaafiicda lagu weeraray waxaa kamid ah:
Xarunta Madaxtooyada dowlada federaalka Soomaliya ee Villa-Soomaliya.
Sidoo kale, ciidamada Alshabaab waxay madaafiic ku garaaceen saldhigyada ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ay ku kala leeyihiin degmooyinka kala ah: Xamarweyne, Xamar-Jajab, Hilwaa, Yaaqshiid, Kaaraan, waxaana jira khasaaro gaaray ciidamada dowlada ee ku sugnaa saldhigyadaasi.