Duufaan Sababtay Dhimasha iyo Dhaawac oo ku dhufatay Dalka Maraykanka.

20
0

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay duufaan xooggan oo ku dhufatay waqooyi-galbeed ee dalka Mareykanka, taasoo wadata dabeylo iyo roobab xooggan, waxayna sababtay in koronto la’aan ay noqdaan in ka badan nus milyan qof, sodoo kale waxaa istaagay waxbarashadii iyo isku socodkii waddooyinka, waxaana waddooyinka kusoo dumay geedihii ku yaallay hareerahooda.

Xawaaraha ugu badan ee dabaylaha xooggan ee la socday duufaanta, oo habeenimadii Talaadada ku dhufatay waqooyi-galbeed ee Maraykanka, ayaa gaaray 145 kilomitir saacaddii, sida laga soo xigtay hay’adda saadaasha hawada ee Maraykanka.

Waaxda dab-damiska ee gobolka Washington ayaa sheegtay, in haweeney da’deedu tahay konton jir  ay ku dhimatay fiidnimadii Talaadada magaalada Lynnwood, ee waqooyiga Seattle, kaddib markii uu geed ku soo dhacay hoygeedii, isla dhacdaas oo kale haweeney kale ayaa ugu geeriyootay magaalada Bellevue, ee bariga Seattle..

Labo qof ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inay dhaawacmeen, kaddib markii uu geed ku dul dhacay gaarigooda oo ku yaallay Dooxada Maple ee ku beegan koonfur-bari ee Seattle.

Hay’adda gargaarka ee magaalada Bellevue ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigtay Baraha Bulshada uga digtay muwaadiniinteeda, in dhirtu ay ku soo dhacayso magaalada oo dhan, kuna duldhacaysa guryaha, waxayna ka codsatay muwaadiniinta inay u guuraan dabaqyada hoose, kana fogaadaan daaqadaha, oo aanay dibadda u bixin illaa inay baahi keenta mooyaane.

Dabaylaha xooggan ayaa sidoo kale sababay in tiirarka korontada ay dhacaan, taasoo sababtay in koronto la’aan ay noqdaan in ka badan 6 kun oo guri iyo ganacsiyo ku kala yaalla:  Washington, koonfur-galbeed ee Oregon, iyo waqooyiga California, sida lagu daabacay mareeg qaabilsan la socda korontadda Maraykanka.

Duufaantan ayaa ku sii wajahan gobollada Oregon iyo Waqooyiga California, waxayna xarunta saadaasha hawada ee Mareykanka ay soo saartay digniin ku aaddan roobab mahiigaan ah oo la filan karo illaa berri oo Jimce ah, iyadoo laga digayo dabeylo xooggan, sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa ka digay suurtagalnimada fatahaado halis ah oo ku soo rogmada goballadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here