Filibiin ayaa amar ku bixisay maanta in dadka laga daadgureeyo meelaha nugul, ka hor inta aysan duufaanta Usagi soo gaarin, iyadoo xafiiska Qaramada Midoobay ee sheegta samata bixinta musiibooyinka ka dalbatay $32.9 Milyan oo Dollar, kaddib samaynta ay reebeen duufaanno ay ku dhinteen in ka badan 150 qof.
Hay’ada cimilada ee Filibiin ayaa sheegtay, in duufaanta Usagi oo ah duufaantii shanaad ee jasiiradahaasi muddo saddex toddobaad gudahood ah ku dhufata, ay u badan tahay inay Khamiista bari ah soo gaarto degaanada gobolka Cagayan ee cirifka waqooyi-bari ee jasiiradda weyn ee Luzon.
Xafiiska waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa bayaan ay soo sareen ku sheegay, Qiyaastii 210-kun oo shacab Filibiniyaan ah in ay saameeyeen daadaka dhawaan ku dhyftay dalkaas, kuwaaas oo u baahan taageero dag dag ah.
Illaa 20 duufaano waaweyn ah ayaa ku dhufta jasiiradaha ku hareeraysan dalkan Filibiin sanad walba, kuwaas oo gaysta dhimashada toro badan oo dadka reer Filibiin ah, halka ay Malaayiin kalana soo wajahdo xaalado saboolnimo ah.
Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa muujisay in duufaannada gobolka Aasiyada-Pacific ay isa soo tarayaan, kuwaas oo ku soo dhowaanaya xeebaha dalkaas, iyagoo si degdeg ah u sii xoogaysanaya, muddo dheerna soconaya, taas oo ay sabab u tahay isbeddelka cimillada.