Waxa si lama filaan ah oo xawli leh u qarxay dagaal fool-ka-fool ah oo u dhexeeya Yahuudda iyo Iran, kaddib markii Yahuuddu ay si ku talagal ah u billowday weerarro is-daba joog ah oo lagu beegsaday saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran, cilmi-baadheyaal iyo khubaro ka shaqaynayay mashruuca Nukliyeerka ee dalkaas. Wuxuu ahaa duullaan toos ah oo uu Netanyahu iyo kooxdiisu ku dhiiradeen, si ay u abuuraan dagaal ballaaran oo sida ay qabeen, meesha ka saaraya halista Iran ee kusii dhow inay hesho hub Nukliyeer ah.
Iran oo horay ugu jirtay wadaxaajood adag oo ay la lahayd Mareykanka si loo gaaro heshiis cusub oo Nukliyeer ah, ayaa si lama filaan ah ula kulantay khiyaano weyn oo ay fureen Mareykanka iyo Yahuudda. Netanyahu wuxuu u arkayay dagaalka Iran fursad uu ku hirgeliyo himiladiisa ballaaran oo ah in la burburiyo mashruuca Nukliyeerka Iran, lana beddelo nidaamkeeda siyaasadeed. Laakiin sida uu hory ugu dhawaaqay markii uu weeraray Gaza—markaas oo uu sheegay inuu doonayo inuu baabi’iyo xoogagga iska caabbinta Falastiin—haddana waxay u muuqataa in riyadiisu tahay mid ku dhisan mala-awaal aan xaqiiqo sal lahayn.
Netanyahu wuxuu doonayaa inuu mar kale dib u qaabeeyo Khariidadda Bariga Dhexe, iyadoo uu Iran u arko caqabadda ugu weyn ee taagan. Balse su’aasha adag ee hadda la iska weydiinayo ayaa ah: Yahuuddu ma u dulqaadan kartaa dagaal dheer oo ay Iran la gasho? Gaar ahaan iyadoo weli lagu mashquulsan tahay dagaalka Qaza oo aysan guul cad ka keenin.
Qarnigii la soo dhaafay, Yahuudda waxay ku dhaqmi jirtay xeeladdii Ben Gurion ee ahayd in dagaalladu ka dhacaan dhulka kale, si gudaha Yahuudda uu nabad u ahaado. Laakiin dagaalkan Iran ayaa arintaas wax ka badalay iyada oo sawaariiqda Iiraan ay si toos ah ugu dhaceen gudaha Yahuudda, waxayna taasi miijinaysaa sida ay Yahuuddu u hysan nidaam difaaceed ay isku halayn karto, waxaana kamid ah nidaamyada ay haatan isticmaasho sida Qubadda Birta, Sling of David, iyo Arrow Defense System. Tan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo gantaallada Iran ay si toos ah u garaacaan bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Yahuudda, oo ay kamid yihiin xarumo ciidan iyo dhismayaal dhaadheer.
Iran waxay sidoo kale la timid xeelado cusub, iyada oo aan weli haysan diyaarado “stealth” ah sida F-35 ee Yahuudda leedahay, haddana waxay si habaysan u beddeshay xisaabta dagaalka, iyadoo adeegsaneysa gantaallo toos u garaacaya bartilmaameedyada iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ka dhuuman kara raadaarada. Xaqiiqda jirta ayaa ah in Iran ay si buuxda ula qabsatay cadaadiska cunaqabataynta oo muddo afartan sano ah la saaray, taas oo u suuragelisay inay dhisato awoodeeda u gaarka ah.
Inkasta oo Yahuudda ay guul ku sheegatay duullaankii koowaad ee ay ku beegsadeen qaar ka mid ah hoggaanada sare ee ciidamada iyo saynisyahannada Iran, haddana xaaladdu si dhakhso ah ayey isu beddeshay. Dagaalkii uu Netanyahu rabay in uu ku dhameeyo waqti kooban wuxuu isu rogay musiibo siyaasadeed iyo mid milatari. Iran waxay bilowday weerarro ka dhigan mid ka baxsan dulqaadkii istiraatijiyadeed ee ay caanka ku ahayd; waxayna noqotay markii ugu horreysay ee dhulka ay xoogga ku haystaan Yahuuddu ay la kulmaan duqayn joogto ah.
Waxaa si gaar ah u gilgilay Yahuudda markii la xaqiijiyey in nidaamyada difaaca ee Iran ay ku guuleysteen inay soo ridaan diyaarad F-35 ah oo Yahuudda leedahay, taas oo laga yaabo in duuliyihii saarnaana gacanta lagu dhigay, taas oo ah dharbaaxo kale oo ka dhan ah sumcadda Yahuudda.
Maraykanka ayaa Yahuudda siiyay gantaallo Hellfire ah oo gaaraya 300 xabbo, sidoo kalena nidaamyadiisa difaaca cirka ay ka caawiyeen Yahuudda inay soo ridaan gantaallo ay Iran ku bartilmaameedsatay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa cadaatay in Yahuuddu aysan maamuli Karin dagaal noocan ah illaa inay garab ka helayso Mareykanka mooyee.
Laakiin riyada Mareykanka ee ahayd in Iran laga jebiyo si ay uga qeyb gasho wadahadal cusub oo Nukliyeer ah ayaa u muuqata mid dhabarka loo jeediyey. Iran waxay si cad u diiday inay wax wadaxaajood ah dib u bilowdo inta lagu jiro weerarada uu Mareykanku qeybta ka yahay.
Weerarradii Yahuudda ay ku bartilmaameedsatay gudaha Iran waxay u arkayeen inay tahay guul sirdoon, balse waxay ka dhaxleen khasaaro ay adag tahay in mudo dhow lagasoo kabto, taas oo ah in laamo dhan oo sir ahaa ay banaanka imaadaan, sidaasna ay ku lunto saamayntii ay Yahuuddu ku lahayd gudaha Iiraan. Iran ayaana si weyn uga falcelisay dhaqdhaqaaqa sirdoon ee ay Yahuuddu ka dhex samaysatay gudaheeda, iyada oo ku gulaysatay inay gacanta ku dhigto tiro badan oo Jawaasiis ah.
Dagaalkan ay Yahuuddu bilaabeen ayay sidoo kale Shiicadu si aad ah uga falceliyeen, iyaga oo adeegsanaya gantaallo ballistik ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo gudaha Yahuudda ka gaystay khasaare xooggan oo gaaray bartilmaameedyo muhiim ah oo ay Yahuuddu aad u ilaalin jireen. Waxaa la rumeysan yahay in waxyeelada Yahuudda gaartay ay aad uga weyn tahay inta warbaahinta laga arkay, iyadoo xitaa ciidamada Yahuudda ay mamnuuceen in la sawiro goobaha ay Iran duqeysay.
Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa dhankeeda la tacaalaysa dhaawaca maskaxeed iyo midka milatari ee gaaray bilowgii dagaalka, haddana jawaabteedu waxay beddeshay aragtidii caalamiga ahayd ee ahayd in Iran tahay dal hadal badan balse aan ficil lahay. Waqtiga xaadirkan Yahuudda ayaa la mid noqotay dal difaac ku jira, iyadoo dadka ku dhaqan Tel Aviv ay guryaha ku jiraan, cabsi awgeed.
Waxay u muuqataa in Yahuudda aysan awoodin dagaal badan oo lagu hayo gudaha dalkeeda, weerarradii ay bilowday ayaana u muuqda kuwo ay adag tahay inay si fudud ku soo gabagabeyso. Madaxweynaha Maryakanka Donal Trump, oo horey u sheegay in duqeymaha Iran ay horseedi karaan wadahadal cusub, ayaa hadda ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in dagaalka la joojiyo.
Balse dareenka Iran ayaa ah mid cad, iyaga oo sheegay inaysan dagaalka joojinayn illaa laga ogalaado hishiis xuquuqeed oo looga wada hadlo Nukliyeerka. Yahuudda oo markii hore ka biyo diidday in la joojiyo dagaalka, ayaa hadda waxay ku sugan tahay xaalad ay ka qoomameyneyso talaabada ay qaaday.