Duulaanka lagu qaaday marinka Gaza iyo Faalastiiniyiinta oo Fashiliyey Duullanka Yahuudda, iyo Xaalka Lubnaan Waa Sidee.

20
0

 

 

Waa Maalintii 391-aad ee duullaanka gardarada ah ee ay Yuhuuddu ku hayaan Muslimiinta Qaza, guumaystaha  oo kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan waqooyiga go’doonsan, ilo caafimaad ayaa sheegay in 42 falastiiniyiin ah ay ku shahiideen duqeymaha ay Yahuuddu ku hayso marinka Qaza tan iyo waaberigii maanta.

Daanta Galbeed ee la haysto, laba qof oo falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday, qaar kalena waa lagu dhaawacay xerada Nour Shamsi ee Thulkarm, intii lagu guda jiray duullaan ay ciidammada Yahuudu ku qaadeen magaalooyin badan oo ku yaalla Daanta Galbeed, iyadoo  dagaalyahannada wax iska caabinta falastiiniyiinta kahor yimaadeen ciidammada gumaysiga.

Lubnaan

Horumarrada dhinaca hore ee Lubnaan, duqeymaha ka imanaya Lubnaan ayaa sii socda goobaha iyo deegaamaynta waqooyiga Yaahuuddu, marka loo eego duullaanka ay ku hayaan tuulooyinka iyo magaalooyinka Lubnaan, iyada oo la hadal hayo xabbad-joojin dhaw.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here