Erdogan: Kooxaha Mucaaradka Hadafkooda Waa Dimishiq.

41
0

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa rajo ka muujiyay, in horusocodka dagaalyahannada mucaaradka Suuriya uu sii socda dhibaato la’aan, isagoo tixgelinaya in hadafkoodu uu yahay caasimadda Dimishiq.

Erdogan ayaa yiri “Idlib, Hama, Hims, dabcan bartilmaameedkuna waa Dimishiq, horumarka mucaaradka ayaa sii socda, waxaan rajeyneynaa in horumarkan uu sii socdo iyaga oo aan wax dhibaato ah la kulmin.”

Erdogan  ayaa horay iskugu dayay in uu xiriir diblumaasiyadeed uu la yeesha Bashar Al-Assad, xilligaas  oo uu ka dhex arkay dantiisa, balse ma uusan ka helin jawaab wanaagsan. “waxaan ku iri Bashar Al-Assad kaalay aynu kulanno si aynu mustaqbalka Suuriya uga wada tashano,balse wax jawaab ah oo aan Assad ka helay ma jirto”. Erdogan.

geesta kale, ilo-wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa sheegay, in Wasiirka arimaha  dibadda ee dalkaas uu berri oo Sabti ah kula kulmi doono dhiggiisa Ruushka iyo Iran magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, si ay uga wada hadlaan isbeddellada ka jira dalka Suuriya.

Turkiga ayaa xuduud dhan 900 oo KM la wadaaga dalka Suuriya, waxa uuna ka mid yahay dalalka ku loolamaya siyaasadda dalkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here