Eritareeya Oo Marti-gelinaysa Shir Madaxeed Ka Dhan Ah Xabashida Itoobiya.

45
0

Xilli xiisadda siyaasadeed ee ka taagan wadamada dhaca geeska Africa ay sii xoogeysanayso ayay madaxda saddex dowladood oo ka soo horjeeda siyaasadaha Itoobiya ku kulmayaan dalka Eritareeya.

Madaxda yeelanaysa kulanka lagu macneeyay in uu yahay mid xasaasi ah ayaa kala ah madaxwaynayaasha dalalka: Masar, Eritareeya iyo Soomaaliya kuwaas oo kulan kuleh magaaalada Asmara.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Asmara waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka degay madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud halkaas oo uu kusoo dhaweeyay madaxwaynaha dalka Eritareeya Isaias Afwerki.

Dhanka kale dowlada Masar ayaa sheegtay in madaxweynaha wadankaasi  Cabdilfataax Al-siisii uu isagana maanta ku wajahan yahay magaalada caasimadda u ah Eritareeya ee Asmara, si uu uga qayb galo kulamada ka dhici doono Asmara.

Qoraal uu bartiisa gaarka ah ku daabacay afhayeenka rasmiga ah ee madaxtooyada dowladda Masar ayaa lagu sheegay in Cabdilfataax Al-siisii uu maanta ku wajahanyayay caasimadda Eritareeya, kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki.

Afhayeenka madaxtooyada, ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka socdaalka Cabdilfataax Al-sisi uu yahay mid diiradda saari doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadaas dal xaaladaha gobolka, xoojinta xasilloonida iyo xaaladaha kasoo cosboonaaday biyaha badda Cas.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ulajeedka shirka uu yahay sidii Seddex dal ay u samaysan lahaayeen isbahaysi cusub oo heer goboleed ah, kaasi oo ka dhan ah dowladda xabashida Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here