Faahfaahin: 20 Askari oo Kenyan ah oo Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Qarax ka Dhacay Gobolka Mandheera.

52
0

Wararka ka imanaya gobolka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Kenya ayaa xaqiijinaya in weerar xooggan oo miino ah lala beegsaday kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo marayay inta u dhaxaysa degmada Ceel-qaalow iyo deegaanka Ceel-goolij. 

Weerarkan oo ay fuliyeen ciidamada xarakada Al-Shabaab ayaa si gaar ah u haleelay gaari nooca Mitsubishi ah oo ay saarnaayeen askarta Kenya, kaasoo gebi ahaanba basbeelay. 

Sida aan ku helnay xog lagu kalsoonan karo, weerarkaasi waxaa ku naf-waayay ugu yaraan 7 askari oo Kenyaan ah, halka 13 kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaas oo qaarkood xaaladoodu aad u liidato.

Hawlgalkaas ayaa qayb ka ah dagaalka joogtada ah ee ay xarakada Al-Shabaab kula jirto ciidamada shisheeye ee ku sugan dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi Bari ee uu gumeysiga Kenya ku haysato sida Mandheera, Garissa iyo Wajeer. 

Weeraradan waxay muujinayaan sida ciidanka Kenya ay ugu nugul yihiin weerarada istaraatiijiyadeed ee loo adeegsado miinooyinka iyo jidgooyooyinka, waxayna dhaawacayaan awoodooda iyo kalsoonidooda ku aaddan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gudaha dhulkaas.

Qaraxyada iyo weerarada qorsheysan ee joogtada ah waxay sidoo kale cabsi iyo walaac ku abuureen ciidamada Kenya, taasoo sababtay in inta badan kolonyohooda ay ku socdaalaan dareen cabsi iyo feejignaan joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here