Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo shalay ka dhacay gobolka Hiiraan oo lagu jabiyey ciidamada DF Soomaaliya.
Dagaalada ayaa shalay ka dhacay deegaanka Beerayabaal ee dhaca duleedka degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.
Saraakiil ciidan oo ka tirsan xarakada Alshabaab oo warbaahinta siiyay waraysi ayaa xaqiijiyay in dagaalladii cuslaa ee shalay dhacay lagu dilay 10 askari oo katirsan DF, halka lagu dhaawacay 20 kale oo ay saraakiil ciidan ku jiraan.
Sidoo kale, ciidamada Alshabaab waxay dagaalkaasi ku qabsadeen gaari nuuciisu yahay Noha, iyo bastoolad oo laga soo furtay ciidamada DF, waxayna dagaalladan daba socdaan dagaallo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gobolka Hiiraan.
Dhanka kale, warbaahinta madaxa banaan ayaa heshay magacyada qaar ka mid ah ciidamada DF ee lagu dilay dagaalladii shalay dhacay, waxaana ka mid ahaa Muuse Axmad Cali, Xasan iyo Maxamad Calasow, waxaa sidoo kale helnay magacyada askarta lagu dhaawacay dagaalladii shalay dhacay, waxaana ka mida Cabdullaahi Macow, Dhaley iyo Jujaale, oo ah taliyaha guutada 26-aad ee ciidamada DF.