Faahfaahino dheeraad ah ayaa haatan kasoo baxaya weerarkii cagmarinta ahaa ee saaka ciidamada xarakada mujahidiinta Al-Shabaab cagta ku mariyeen saldhigyadii dawladda fadaraalka ee deegaanka Sabiid.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii saaka ciidamada dawladda looga dilay illaa 26 askari, halka ay ku dhawacmeen tiro intaas ka badan, illo xog ogaal ah ayaa tibaaxaya in halkaas ay ku dhawacmeen saraakiil sar sare, waxaana kamida sarakiisha dhawacmay taliye ku xigeenkii ciidanka lugta ee dawladda faradaalka General Cabdulahi Aden Xuseen (Ciro).
Weerarkan ayaa imanaya maalmo un kaddib markii sidan oo kale cagta loo mariyay xarumihii iyo saldhigyadii dawladda fadaraalka ee Dagmada Awdheegle, ayadoo ay mujahidiintu halkaas kasoo furteen saanad ciidan oo aad ubadan.