Faahfaahin: Dagaalkii Maanta ka Dhacay Deegaanka “Bursha-Sheekh” ee Hoostagta Degmada Cadale.

30
0

Faahfaahino  dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaaladii maanta ka dhacay gobalka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan deegaanka “Bursha-Sheekh” ee hoostagta  degmada Cadale.

Dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka ayaa waxaa lagu dilay 18 askari oo ka tirsan ciidamada dawladda Fadaraalka, ayadoo  10 kamid ah meydadkooda ay  uga carareen goobta dagaalka, kuwaas oo ay ku jiraan Saraakiil ciidamadan, waxaa sidoo kale dagaalkaas lagu dhaawacay illaa 28 kale oo ka tirsan ciidamada dawladda Fadaraalka.

Dagaaladan ayaa salka ku haya weeraro xiriir ahaa oo ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab isbucyadii ugu dambeeyay ay kula wareegeen deegaano iyo dagmooyin badan oo dhaca gobalka shabellada dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here