Saacadihii lasoo Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee madaxtooyada ka dhacay qarax culus oo lala beegsaday kolonyo galbinaysay madaxa dawladda fadaraalka ee Xassan Sheekh Maxamuud.
Qaraxan ayaa faahfaahino hordhac ah laga helayaa, waxayna wararku sheegayaan in kolomya labeegsaday ay la socdeen madaxda ugu saraysa xukumada fadaraalka Somaliya, kuwaas oo kala ahaa madaxwaynaha dawladda iyo agaasimaha hay’ada Nisa ee Sanabaloolshe.
Warar hoose oo kasoo baxaya qaraxa lala beegsaday kolonyadaas ayaa sheegaya, in madaxwaynaha iyo kolonyada galbinaysay ay safar u ahaayeen gobalka Hiran, kuwaas oo mudooyinkan dambe abaabul kawaday gobalada Hiran iyo Shabellada dhexe.
Wixii faahfaahin dheeraad ah iyo khasaaraha ka dhacay, dib ayaan kasoo gudbin doonaa inshallaah.