Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dilay, saddex kalena waa lagu dhaawacay, kadib weerar culus oo maanta ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-hareeri, oo ku yaalla duleedka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Weerarka oo dhacay saaka waaberigii hore ayaa waxaa sidoo kale ciidamada Alshabaab ku furteen gaari nooca dagaalka ah oo ah “Propox”, kaas oo horay ugu jiray gacanta ciidamada dowladda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka uu socday muddo kooban balse uu aad u xooganaa, islamarkaana uu sababay in ciidamadii dowladda ay ka firxadaan deegaanka.
Xaaladda deegaanka Ceel-hareeri ayaa haatan la sheegay in ay tahay mid deggan, iyadoo si buuxda ay ula wareegeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo hadda ku sugan gudaha deegaanka.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka ama maamulka gobolka Hiiraan oo ku saabsan weerarkan.