Ugu yaraan 7 askari ayaa lagu dilay, 6 kalena waa lagu dhaawacay dagaal lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte oo maanta ka dhacay duleedka Ceel Cali Axmed ee Shabeellaha dhexe.
Geesta kalena, waxaa jira saanad millateri oo xoogagga Al-Shabaab ay ku furteen dagaalkan, waxaana ka mida 5 qori AK47 ah iyo 1 qori PKM ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal, kuwaas oo lagu soo qabtay dagaal galabta ka dhacay wadada xiriirisa Ceel Cali Axmed iyo Xaawo Gadiid.
Sidoo kale, waxaa faahfaahin dheeriya laga helay dagaal saaka ka dhacay deggaanka Boos-hareeri ee hoos-taga degmada Aadan Yabaal ee isla Shabeellaha dhexe.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 20 askari laga dilay maleeshiyaadka Gurguurte, 23 kalena laga dhaawacay, halka 13 Qori-na laga soo furtay.