Waxaa la ogaaday magacyada qaar ka mid ah ciidamada dowlada federaalka ee lagu dilay dagaalkii shalay ka dhacay deggaanka Aboorreey. Waxaana ka mid ah:
1-Shariif Cabdi Garuun oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamsadowlada.
2- Shidane Cabdi Huruwaa oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamada dowlada. 3- Cadaawe Faarax oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliska.
4- Muuse Cali Faarax.
5- C/laahi Xuseen Waasuge.
6- Jeelow Cigale.
7- CabdiBile Dhuxulow Haraadaane oo isna ahaa Sarkaal.
8- Beer Fale oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka dowlada.
Sidoo kale waxaa la ogaaday magacyada qaar ka mid ah ciidamadii lagu dhaawacay dagaalkii Abooreey, waxaanay kala yihiin:
1- Korneyl Cali dhuux Cabdi Mahad oo horay usoo noqday Taliye ku-xigeenkii Booliska ee Gobolka Banaadir.
2- Muumin Eelaay oo ahaa gudoomiyihii hore ee degmada Maxaas waxaa gaaray dhaawac culus.
3-Xuseen Xasan oo ahaa Sarkaal ka tirsan ciidamasa dowlada.
4- C/laahi Cali Raage oo ahaa Taliye guuto ka tirsan ciidamada dowlada.
Askar ka badan 50 askari ayaa lagu dilay, tiro intaa kasii badanna waa lagu dhaawacay weerarkan oo shalay ka dhacay deegaanka Aboorrey.
Sidoo kale weerarkan ayay xoogagga Al-Shabaab ku qabsadeen saanad millateri oo aad u fara badan oo ay ka mid ahayd gawaarida gaashaaman, hub iyo rasaas tiro beel ah.
Hawl-galladan xiriirka ah ee wado xarakada Alshabaab ayaa lagu dhiig-bixiyay ciidamada dowlada federaalka iyo ciidamada shisheeye waxay a u muuqdaa weeraro aan kala joogsi lahayn oo silsilado ah.