Faahfaahino Kasoo Baxaya Weerarada Xasminta ah ee ay Ciidamada Al-Shabaab Cagta ku mariyeen Saldhigyadii ciidamada Dawladda ee Deegaanka Abooreey.

26
0

Tafaasill hor dhac ah ayaa kasoo baxaya weerarda saaka lagu qaaday xeryaha ciidamada dawladdu ay ku lahaayeen deegaanka Abooreey, Wararka ayaa intaas ku daraya in xeryaha la weeraray ay deggenaayeen maleeshiyaad isugu jiray millateri iyo sirdoon.

Saldhigyadan oo ahaa labo xero ayay gabi ahaanba la wareegeen ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab, Mid ka mida xeryahaasi ayaa lagu soo warramaya inay deggenaayeen maleeshiyaad ashaamud ah oo ka badan 200 oo askari, halka Xerada labaadna ahayd  talis weyn oo ay joogeen saraakiil sar sare, waxaana yaallay gaadiid  dagaal oo ay kaimd yihiin tikniko.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaana dhamaan la wareegay saanadii ciidan ee taallay saldhigyadaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maydadka ciidamada Gurguurte ay daadsan yihiin gudaha iyo hareeraha labdaasi xero iyo weliba duurka oo firxadkoodii lagusii baacsanayo. Waxaana xusid mudan in mid ka mida labada xero ee saaka cagta la miriyey ay ku sugnaayeen saraakiil sare, welise faahfaahin lagama hayo inay ku dhinteen iyo in kale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here