Dhimaso iyo Dhaawac ka Dhalatay Duqeymo ay Maanta Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku Garaaceen Xerada Xalane.

12
0

Waxaa xog laga helayaa duqeyn saaka ciidamada Mujaahidiintu ay la beegsadeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, taas oo ah taliska ugu weyn ee shisheeyuhu ku leeyahay dalka Soomaalya.

Madaafiicda ayaa ku dhacay gudaha xerada, halkaas oo hoy u ah madaxyo waawaynta shisheeye ee dhabaatada u maleegaya umadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Wararka ayaa tibaaxaya, in duqemahaasi lagu gubay 3 gaari oo kuwa UN-ka ah, iyo 2 Guri oo ay daganaayeen shaqaalaha UN-ka.

Haddaan milacsanno xagga khasaaraha nafeed waxaa lasoo warinayaa, in dhimasho iyo dhaawac ay duqaymahaasi ku noqdeen shaqaalihii UN-ka ee xilliga duqeynta ku sugnaa Labadaasi guri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here