Fahad Yasin iyo Farmajo oo Siyaasadda ku Kala Tagay.

53
0

Taliyihii hore ee Sirdoonka DF Soomaaliya ahaana la-taliyihii hore ee amniga qaranka Fahad Yasin ayaa ku dhawaaqay in uu isaga baxay xisbiga Nabad iyo Nolol.

Fahad Yasin oo faafiyay war saxaafadeed uu cinwaan ooga dhigay ( Kala-guur Siyaasadeed) ayaa sheegay in uu si buuxda u noqday qof ka madax banaan xisbiga uu hogaamiyo madaxwaynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmajo.

“Waxaan muddo ka badan 10 sano saaxiibo siyaasadeed ahayd Madaxweynihii 9-aad ee dalka Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, sidoo kalena muddo ka badan 5 sano maamulkii uu hogaaminayay kasoo qabtay xilal kala duwan….” Ayuu ku yiri Fahad Yasin war saxaafadeedka uu soo saaray.

Xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa u muuqda xisbi kala tagay ka dib markii looga adkaaday doorashadii madaxtinimada dalka.

Farmajo ayaa sanadihii dambe waayay xubno muhiim u ahaa xisbigiisa sida:

Xasan Cali Khayre oo ahaa ra’iisul wasasrihii dowladii Maxamed Cabdulaahi Farmajo.

Cali Yare Cali oo ahaa ku xigeenkii amniga magaalada Moqdisho sidoo kalana ahaa shaqsi si indho la’aan ah u taageeri jiray xukumadii dhacday ee Farmajo.

Fahad Yasin oo la sheego in uu ahaa qofkii soo dhisay Farmajo sidoo kalana lagu tilmaami jiray milkiilaha dowladii Maxamed Cabdulaahi Farmajo.

Dhamaan shaqsiyaadkaas mizaanka culus kulaha xisbiga Maxamed Cabdulaahi Farmajo ee Nabas iyo Nolol ayaa isaga baxay xisiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here