Falaanqayn ku Saabsan Khudbadda uu Netanyahu Ka Jeediyay Koongaraska Mareykanka.

110
0

 

Koongaraska Mareykanka ayaa kalimad siiyay maalintii Arbicada, Netanyahu oo ah dambiile dagaal; oo gaystay xasuuqay kumanaan caruur, haween, waayeel iyo shacab muslimiin ah lagu dilay walina ka socdo magaalada Gaza.

Koongaraska Mareykanka ayaa ku abaalmariyey Netanyahu, soodhawayn heer sare ah iyo sacab utumid (wakiilada Maraykanka waxay u sacbiyeen Netanyahu 76 jeer waxayna u istaageen 52 jeer) sida lagu daabacay website ka Al-Sharqal Awsat.

Maraynka iyo dowladaha reer galbeedka ayaa u arka in maamulka gumaystaha Yahuuda in uu yahay qalcaddooda ama difaacooda muhiimka u ah shirqooladooda, la dagaalanka Islaamka iyo qabsashada dhulalka muslimiinta.

Maamulka gumaystaha Yahuuda wuxuu fulinayaa hawl culus (oo ay u xilsaareen reer Galbeedka oo ka shidaal qaadanaya kitaabkooda munxarifka ah ee Bible ka) ayago aaminsan in xasuuqa muslimiinta reer Falastiin iyo qabsashada Falastiin ay tahay arin rumaynaysa khuraafadka ku qoran Bible ka.

Netanyahu marka uu jeedinayay khudbadda ayaa ku nuuxnuuxsaday in maamulka gumaystaha Yahuuda iyo Mareykanka ay dagaalkaan kuwada jiraan waxa uu yiri: “Ma ilaalineyno nafteena oo keliya, ee naftiina ayaa idin ilaalinaynaa, cadawgeenu waa cadawgiinna, dagaalkeenu waa dagaalkiinna, guusheennuna idinka ayay idiin ahaan doontaa guul.”

Khudbada Netanyahu waxaa laga baran karaa sida wadama reer galbeedka ay ooga qayb qaadanayaan xasuuqa ka socdo magaalada Gaza.

Maxey Tahay Kaalinta Wadama Carabta ay Ku Leeyihiin Xasuuqa Ka Socdo Gaza?

Khudbadii uu jeediyay dambiile Netanyahu, ayuu ku sheegay in la joogo waqtigii si toos ah loo dhisi lahaa isbahaysi ay kuwada jiraan Mareykanka, wadamada carabta iyo gumaystaha Yahuuda.
Netanyahu ayaa yiri: “waxa ku baaqaaya in la sameeyo isbahaysi dhanka amniga ah oo ay kuwada jiraan “Israa’iil-Maraykan- dowladaha carabta” si looga hortago waxa uu ugu yeedhay “khatarta Iran.”

Bishii Disembar ee sanadkii hore, warbaahinta gumaystaha Yahuuda ayaa ku dhawaaqday in gaadiidkeeda xamuulka qaada ee sida sahayda cuntada ay isticmaalayaan waddo cusub oo dhulka ah, ayagoo sidoo kale sheegay in gaawaridaas ay ka imaadeen dekedda “Jebel Ali” ee leedahay dowlada Imaaraadka Carabta waxayna ku sii jeedaan dekedda “Haifa” ee dhulka Falastiin ay gumaysato Yahuuda.

Dhanka kale, shirkadda “Cox Logistics W.L.L” uu leeyahay sarkaal hawlgab ah oo ka tirsan Ciidanka Maraykanka oo ku takhasusay gaadiidka iyo adeegyada maraakiibta ayaa ka shaqeeya isku xirka dakadaha Baxreyn ilaa dekedda “Haifa” ee xoogga ay ku haysato Israa’iil.

Wasiirka Gaadiidka ee xukuumadda gumeysiga Israa’iil, Miri Regev, ayaa xaqiijiyay in badeecada ay ka soo dhoofto dekedda “Mundra” ee dalka Hindiya iyada oo la sii marayo badda Imaaraatka carabta ka dibna lagu daabulo badeecada gawaari maraaya dhulka si loo geeyo Sacuudiga iyo Jordan kadibna ay u gaaraan dhulka ay haysto Yahuuda ee Falastiin.

Tani waxay ka dhigan tahay in ka dib markii gumaystaha laga mamnuucay adeegsida Badda Cas, ay qaar ka mid ah wadama carabta siiyeen waddooyin cusub oo dhanka dhulka ah oo isku xira Imaaraadka iyo gumaystaha Israa’iil iyagoo sii maraya wadamada Sacuudiga iyo Urdun.

Allaha SWT quraanka kariimka ah wuxuu ku sheegay in kuwa gaalada wali iyo sokeeye ka dhigta in ay gaalada ka mid yihiin.

۞ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَىٰ أَوْلِيَاءَ ۘ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ .{ سورة المائدة 51}.

Maxey Tahay Ulajeedada Laga Leeyahay Hub Ka Dhigista Mujaahidiinta Ka Halgamaaya Gaza?

Ra’iisul wasaaraha gumaystaha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa khudbad uu Arbacadii ka hor jeediyay labada aqal ee Congress-ka Mareykanka, ayaa ku baaqay in mujaahidiinta ka halgamaaya magaalada Gaza lagu sameeyo hub ka dhigis.

Allah SWT waxa uu Quraanka kariimka ah ku sheegay in gaalada aymar walba jecel yihiin in muslimiinta ay hubka dhigaan.

Hadii ay muslimiinta hubka dhigaan waxaa si fudud ku qabsanaaya dhulkooda gaalada ayagana u gumaysanaya.

Allah SWT waxa uu yiri:

وَدَّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْ تَغْفُلُونَ عَنْ أَسْلِحَتِكُمْ وَأَمْتِعَتِكُمْ فَيَمِيلُونَ عَلَيْكُم مَّيْلَةً وَاحِدَةً ۚ وَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ إِن كَانَ بِكُمْ أَذًى مِّن مَّطَرٍ أَوْ كُنتُم مَّرْضَىٰ أَن تَضَعُوا أَسْلِحَتَكُمْ ۖ وَخُذُوا حِذْرَكُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ أَعَدَّ لِلْكَافِرِينَ عَذَابًا مُّهِينًا{ النساء:102}.

Maanta waxaa joogna waqti aad u adag, waqti gaalada caalamka ay isku soo bahaysteen xasuuqa caruurteena balse aan indhaha ka daawanayno xasuuqaas anagoo waxba u qaban karin muslimiinta ay xasuuqayaan Yahuuda iyo reer galbeedka.

Ma kula tahay akhriste in la joogo waqtigii hurdada ay muslimiinta ka kici lahaayeen oo cadowgooda iskacaabin lahayeen?!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here