Warbixin uu todobaadkan soo saaray ergayga Faransiiska ee madaxweyne Emmanuel Macron ayaa daaha ka qaaday, hindiseyaal la xidhiidha sidii Faransiisku uu u dhimi lahaa ciidamadooda ka jooga galbeedka iyo badhtamaha Afrika, tallaabadaas oo hoos u dhigaysa saamaynta gumaystihii hore uu kulahaa dalalka afrika, xilli Faransiiska ku hawlan yahay sidii uu u dhimi lahaa joogitaankiisa Afrika.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xiganaysa Labo ilood oo u dhuun-daloola siyaasada Faransiiska, waxayna sheegtay in warbixinta – oo aan faahfaahinteeda la daabicin – ay ka mid yihiin soo jeedinno ku saabsan sida Faransiisku uu u dhimi karo joogitaanka ciidankiisa ee dalalka Chad, Gabon iyo Ivory Coast, halkaas oo ciidamadooda la geeyey Tobanaan sano ka hor.
Labadan ilood ayaa sheegaya in qorshaha Faransiisku uu yahay in la dhimo tirada ciidamadooda lagana dhigo 600 oo askari, halka hadda ay gaarayaan illaa 2,200 oo askari. Ilahan soo tabinaya warbixinta dhimista ciidamada Faransiiska ee Afrika ayaa sheegtay, in dalka Chad uu noqon doono dalka tirada ugu badan ee ciidamada Faransiisku ay sii joogidoonaan.
Balse tallaabo ka yaabisay madaxda Faransiiska, ayey dowladda Chad Khamiistii si lama filaan ah ugu dhawaaqday inay joojisay heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay kula jireen Faransiiska. Tani waxay ku qasbi kartaa dhammaan ciidamada Faransiiska inay ka baxaan dalkan ku yaalla bartamaha qaaradda Afrika. Chad ayaa xulafo weyn la ah dawladaha reer galbeedka, taas oo ay taageero ugaga heli jirtay ladagaalanka ururo ay ugu yeereen inay yihiin Argagixiso.
Dhacdo la mid ah tan ka dhacday dalka Chad ee bixitaanka Ciidamada Faransiiska, ayuu sidoo kale madaxweynaha Senegal ninka lagu magacaabo Basseou Diomaye Faye uu isla maalintaas ka sheegay taleefishinka, wuxuuna sheegay in ciidamada Faransiiska aysan sii joogayn dalkiisa, waxaana haatan dalkaas ku sugan 350 askari oo Faransiis ah.
Go’aanka Faransiiska uu dib ugu eegayo joogitaankiisa Galbeedka Afrika ayaa yimi, kaddib markii askartooda lagu qasbay inay ka baxaan Mali, Burkina Faso iyo Niger, kaddib afgambi militari oo ka dhacay Saddexda dal iyo faafitaanka nacaybka loo qabo askarta Faransiiska ee xadgudubyada joogtada ah ka gaysanaya dalalkaas.
Labada ilood ee wargaysku kasoo xigtay warbixintan ayaa sheegay, in dib u eegista ay saadaalisay in askarta Faransiiska ee ku sugan gobolka ay diiradda saari doonaan oo kaliya tababarka, isdhaafsiga macluumaadka sirdoonka, iyo ka jawaabista codsiyada gargaarka ee wadamada, iyadoo lagu saleynayo baahidooda. Sidoo kale mas’uuliyiin ayaa sheegay in Chad aysan horay Faransiiska ugala hadlin tallaabada ay ku joojinayaan heshiiskii iskaashiga ahaa ee kala dhexeeya Faransiiska, sidaas darteed go’aankan ayaa lama filaan ku noqday xukuumada Paris.
Faransiiska ayaa doonaya in uu sii joogo dalka Chad, sababo ay ka mid yihiin faragalinta uu ku hayo dagaalada ka socda dalka Sudan, isagoo taageeraya kooxaha isku haya talada dalkaas. Waana sida ay qabaan mas’uuliyiinta dawladaas.
Mid ka mid ah ilo-wareedyada, ayaa soo xigtay sarkaal Faransiis ah oo la socday arrimaha kasocda dalka Chad, wuxuuna sheegay in dawladda Chad ay u muuqato inay tixgelinayso go’aanka Faransiisku uu ku dhimayo joogitaankiisa ciidan ee dalkaas, wararku wax ay intaas ku darayaan in Chad ay sidoo kale dareensan tahay in Faransiisku aanay hadda awood u lahayn inay dammaanad qaadaan ammaanka taliska milateriga ee uu hoggaamiyo Maxamed Idriss Deby.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Chad ayaa sheegtay in N’Djamena ay doonayso in ay si buuxda u sheegato madax-banaanideeda, kaddib in ka badan 60 sano ka hor oo ay xornimada ka qaadatay Faransiiska, wuxuuna sidaas ku sheegay bayaan ay dawladaasi soo saartay shalay fiidkii, saacado un kaddib markii wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Noel Barrot uu booqday xadka Sudan kala dhaxeeya dalka Chad.
Ka bixitaankooda ciidan ee Faransiiska iyo Maraykanka ee dalalka Afrika, ayaa kala duwan, waxaana arintan ugu wacan saameynta sii kordheysa ee Ruushka iyo dalalka kale ee qaaradda, ay ku doonayaan in badalka reer galbeedka ay ciidamada Ruushku soo galaan. Calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ayaa gacan ka geysta taageerada dowladaha Niger, Mali, iyo Burkina Faso, marka laga soo tago in ay ka caawiyaan la dagaalanka waxa ay ku tilmaameen kooxaha xagjiriinta.