Faransiiska oo Qiratay Xasuuqii u ka Gaystay Xerada “Thyariwi” ee Dalka Senegal.

60
0

Dowladda Faransiiska ayaa markii ugu horaysay qiratay in askar u dhashay dalka Senegal oo ay ku xasuuqday xerada “thyariwi” sanadkii 1944.

Xukamada Paris ayaa ku tilmaamtay askarta ay xasuuqday kuwo u dhintay (Faransiiska dartiis) sababtoo ah waxay ka mid ahayeen askartii afrikaanka ahaa ee la socday gumaystaha Faransiiska.

Askarta la xasuuqay ayaa ahaa cutub ka tirsan ciidamada lugta Faransiiska, kuwaas oo u badnaa askar u dhashay dalka Senegal.

Paris ayaa sheegtay in ay dileen 35 askari, balse sida xaqiiqda ah askarta ay xasuuqday France waxey gaaraayeen boqolaal askari.

Faransiiska in uu ka been sheego tirada dhabta ah ee askarta uu xasuuqay, ayaa tilmamaysa in dhiiga kuwa dabadhilifka u noqda gumaystaha dhulkooda ku duullay uu wax qiimo ah laheyn.

Taariikhyahan u dhashay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo “Armel Mabon” waxa u qoray buug u ciwaankiisu yahay “Maxaabiista Dagaalka ee Asalka ah, Wajiyada la illoobay ee Gumaystaha Faransiiska” waxa uu ku sheegay buuggiisa in askarta ay Farnce ki xasuuqday saldhigga Thyariwi ay gaarayaan 400 oo askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here