Faransiiska oo sidoo kale kala xaajoonaya Ukraine inuu helo macdanta muhiimka ah ee ku jirta dalkaas.

15
0

Wasiirka difaaca ee Faransiiska Sebastien Lecornu ayaa sheegay, in Faransiisku uu doonayo in uu ku biiro safka Mareykanka si uu u helo macdanta muhiimka ah ee ku jirta Ukraine, taas oo loo isticmaalo militariga.

Raadiyaha France Info oo soo xiganaya Lecornu ayaa sheegay, in ay wadahadallo la lahaayeen Ukraine tan iyo bishii Oktoobar oo ku saabsan sidii loo heli lahaa biraha cayriinka ah ee muhiimka u ah warshadaha difaaca ee Faransiiska.

“Warshadaha difaaca waxay u baahan doonaan qalab aad u muhiim ah oo ku jira nidaamka hubkeena, maaha kaliya sanadka soo socda, laakiin 30 ama 40 sano oo soo socda,” Lecornu ayaa raaciyay.

Wasiirka ayaa sheegay, in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu soo jeediyay dhowr hindise, oo aan ku koobneyn Mareykanka oo kaliya, balse sidoo kale uu u jeediyay Faransiiska.

Zelensky wuxuu soo qaaday arrinta kheyraadka dabiiciga ah iyada oo qayb ka ah aragtidiisa fog ee Ukraine, inta lagu guda jiray booqasho uu dhawaan ku tagay Paris.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay, in Zelensky uu saxiixi doono, heshiis aad u weyn oo ku saabsan kacaanka macdanta ee Ukraine marka uu booqdo Aqalka Cad, balse booqashadaas ayaa fashil kusoo idlaatay.

Tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay bishii hore, Trump wuxuu Ukraine u sheegay inuu doonayo wax uu magdhaw ahaan ugu qaato Tobanaan balaayiin dollar oo gargaarka Mareykanka ah si uu uga caawiyo Ukraine inay iska difaacdo ciidamada Ruushka oo duullaan ballaaran ku qaaday dalkaas 24 Febraayo, 2022-kii.

Aqalka Cad ayaa cadaadis culus saaray Kyiv si ay u oggolaato Mareykanka inuu helo kaydka macdanta ee ballaaran ee loo isticmaalo difaaca hawada iyo warshadaha tamarta nukliyeerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here