Firxadka Ciidamada DF oo u Jihaystay Dhanka Dagmooyinka Gobalka Hiiraan.

5
0

Magaalada  Aadan-yabaal ee gobalka Shabellada dhexe ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay ciidamada mujaahidiintu cagta ku mariyeen saldhigyadii halkaas ku yaallay, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 10 xero oo ay ciidamada DF kaga sugnaayeen duleedka iyo gudaha degmada Aadan-yabaal.

Weerarka oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac culus lagu gaarsiiyay ciidamadan  maxaabiisna looga qabtay, ayaa Allaah fadligiis sababay in magaalada laga saaro ciidamada, waxaana hadda si buuxda gacanta ugu haya mujaahidiinta oo dib magaalada uga taagay raayada Towxiidka.

Askarta iyo saraakiishii lagu jabiyay saaka Aadan-yabaal ee isaga firxaday waxaa ka mid ah  Odowaa Yusuf Rage oo ah taliyaha ciidanka DF, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya halka ay gaareen firxadka ciidanka, waxaana lasoo wariyay in goobaha ay ku firxadeen  ay ka mid tahay degmada Moqokori ee Hiiraan, Tardo oo ka tirsan isla Hiiraan, Ceel-hareeri, ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyo uu watay Odowaa Yuusuf Raage oo habqan ah ay u firxadeen inta u dhaxayso Tawakal iyo Ceeldheere Buraale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here