Wararka inaga soo gaaraya gobalka Bokool ee Konfurta Soomaaliya ayaa ku waramaya, in howlgal qarax ah oo ay guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen nawaaxiga garoonka diyaaradaha macmalka ah ee degmada Waajid ee gobolkaasi lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaasi marayay.
Qaraxa oo jugtiisa si wayn looga maqlay xaafadaha degmada Waajid, ayay si gaar ah mujaahidiintu ugu beegsadeen gaari Cabdibile ah oo ay wateen ciidamada Xabashida Itoobiya.
Xogta aan helay ayaa tibaaxaysa, howlgalkaasi ay ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab ku burburiyeen gaariga Cabdi bilaha ah ee la beegsaday, ciidanka xabashidana ay jiiteen haraadiga burburka gaarigaasi.
Xogta ayaa intaasi ku daraysa, in howlgalkan qaraxa ah uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo soo gaaray ciidamada xabashida Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa ah kuwa xeryahooda ku oodan, halka marka ay dhaqdhaqaaqyo sameeyaana ay weerarro laayaan ah kala kulmaan malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.