Gabayga gobannimo-u-dirir waxaa la tiriyay maalin Arbaco ah, taariikhdu tahay June 03, 2015, waxaana tiriyay Abwaan Nageeye Cali Khaliif.
Todobaadka la tirinaayo gabayga dagaallo ayaa Xamar ka dhacay oo Soomaali badan baa ku dhimatay.
Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa duqeeyey magaalooyin ka mid ah dalka Suuriya, Shacab badan oo Muslimiin ah ayaa ku baaba’ay.
Yuhuudda ayaa duqaysay marinka Qasa, Falastiiniyiin masaakiin ah ayaa ku rogmaday.
Mudaharaaddo ayaa ka dhacay Masar taageerayaal badan oo Ikhwaanul Muslimiin ah ayaa la laayay qaarna xabsiga ayaa lagu guray.
Maraykanka ayaa Ciraaq hawlgallo ka fuliyay, oo muslimiin badan ayuu cagta mariyay.
Yemen dagaallo lagu hoobtay ayaa ka socday.
Liibiya waxay noqotay hoyga silica iyo gaajada, sidoo kale dowlada Suudaan way ruxmaysay.
Guud ahaan dalalka Muslimka ah nin kasta oo wax iska caabbin muujiya, waxa abaal looga dhigay dil, xabsi ama in shisheeyaha laga iibiyo si uu u gumeeyo. Waa arrin xanuun badan oo xaqqiiqo ah.
Guuldarrooyinkan ku dhacay ummadda Muslimka ah waxa aan anigu aaminsanahay in ay sabab u yihiin hoggaan xumo gudahooda ah iyo Shisheeyaha oo kala daadsanaantooda ka faa’idaystay ka dibna dhammaantood birta ka aslay. Waxa uu Abwaanku dareemay in gobanniimadu ku jirto in si guud wax laysaga celiyo.
Gabaygani wax iska celintaas iyo halganka ayuu ku soo baxay kuna saabsanyahay. Ugu dambaynta waxa uu abwaan Nageeye, dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan Soomaalida uu ku guubaabinayaa in geeri sharaf leh ama nolol gobbaniimo leh ay raadiyaan oo marna aanay aqbalin nolol gunnimo iyo liidnimo ah.
Waakan gabaygii Gobannimo-u-dirir oo dhammaystirani:
Sida Aar la gaadoo falaadh; goob xun laga saaray,
Ama geesi laga eexday oo; gooni socotoobay,
Ama naag dhashii laga guntoo; gogosha haaraantay,
Giriif iyo xanuunbaan qabaa; ina Gallaydhoowe,
Guhaanada I haysiyo waxaa; aan la midab guuray,
Markay gocastu wada seexatee; Galawgu foodhyaayo,
Habeenkoo guduutaan wakhtiga; gaar u tiriyaaye,
Gegadaan xarriiqaa Cabdoow; ciilkan gaamuraye,
Galiilyada I haysuu qalbigu; gocasho reemaaye!
Haddaan gahanka uurkayga iyo; godobta kuu sheego,
Waxaan ahay nin geed lagu xidhoo; gaalku waabsadaye,
Niman uu gumaystuhu dhaloo; guudka laga haysto,
Garaadlaaweyaalbaa xilkii; guudka loo sudhaye,
Muslimkaa la gubay ee kufrigu; aanada u gaystay,
Geeridii Ciraaq iyo dadkii; gorodda loo laabay,
Masar gabagabawdoo horaa; gaanka loo jaraye,
Suuriya geddii lala rabay; galabta joogtaaye,
Gayigaa Islaamkiyo dhulkaa; gaalku miranaayo,
Masaakiinta Garanoofka iyo; Suugga lagu gooyey,
Hooyooyinkaa wada goblamee; gabannadii waayay,
Carruurtaa gasiinkiyo manfaca; laga gadaafeeyey,
Gummaadkii Qassuu wali nin; ragi gama’a diidaaye!
Gumaystuhu dhibtuu nagu hayaa; waa mid gudoweyne,
God madaw intuu hanad ku riday; geesi xume diid ah,
Ama uu warmaa ula galee; Haadku kala goostay,
Ama gaade lagu laayaybaan; ruuxna garanayne,
Gudahooda jeerood dagaal; hoos isugu goyso,
Dhulgariir gufaaciyo kolaad; gumuc ku aafayso,
Jayshkaaga gaarka ah kol aad; guuto amar siiso,
Gurmad baan Rabboow kaa rabaa; amase gaashaane!
Erey kalena waa guud mar iyo; gooddin iyo faane,
Inkastoo cawaaduhu I ganay; nabarna ii gaystay,
Inkastoo gunnimo lay badiyo; arami lay gaaxshay,
Guud ahaan Islaamkoo dhan oo; dawladnimo gaadha,
Geyigoo xoroobiyo dadkoo; guudka ka heshiiya,
Dadkaygaa la kala gooyay oo; dib isu soo guura,
Iyo waxaan u geeraarayaa; in aan lib gaadhnaaye,
Waa gabagaboo waynu ridi; idil gumaystaaye,
Shisheeyaha hoggooda ugu gala; goosanbaa hadhaye!
Waxba gabaygu yuu ila durkine; aan gunaanado’e,
Guud ahaanba Soomaalidaay; waa digniin gar ahe,
Gumaystaha madaw uma ogolla; guusha idilkeene,
Warmuhuu inala goobayaa; gu’ iyo jiilaale,
Garan maayo waxan hoos u dhigay; garashadeenniiye,
Gobannimo-u-dirir baan rabaa; geysh dagaalama’e,
Markaasaan Galbeed iyo xorayn; Geeska oo idile,
Gacmaha is qabsada oo kufriga; gumuca deeqsiiya,
Ama waynu guulaysan oo; libinta waan gaadhi,
Ama geeri sharaflaynu dhiman; gocasho waa ceebe!