Gabayga “GUDBAN” Waxaa Tiriyay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

78
0

1898kii illaa 1910kii, ayaa Sayidku dadka ku waday waano iyo waxsiin si loo helo israac iyo wadajir, gaalana meel looga soo wada jeesto, inkastoo xaruntii dad badani raacay, xoogna ay yeelatay haddana dadkii Daraawiish ku meegaarsanaa, af-lagaado iyo bay ka deyn waayeen, waxayna afxumadii kusii darsadeen  inay gaalada garab iyo gaashaan u noqdaan.

Markaa Daraawiish waxay la ahaatay haddii waanadii iyo wanaaggii la diiday in waran caaraddii lagu dayo, isagoo Sayidku Daraawiish guubaabinaaya wixii loo geysteyna faallo ka bixinaya, danabbadiisii la laayayna gocanaya, waxay ka fali doonaanna tusaale ka bixinaya, meelaha in nabarro loo geysto ku habboonna tilmaamaya, ayuu tiriyey gabaygan soo socda oo magaciisana la yiraahdo Gudban, Daraawiishina u tiqiin, Gaala-legad, wuxuuna Sayidku yiri:

 

Awel maanso waa taan gudboo, gurina waayaaye

Waataan galbeedkaa u diray, guga hortiisiiye

 Aan gaasheeyo kii xalay hurdadaa, gama’ ii diidday

Galladaha Ilaahay ka badan, geedahaas baxaye

 Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine

 Guddiyey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye

Nejiskii gurta xumaa hadduu, shalay geeriyoodey

 Godka lagu cadaabkii haddaan, gowrac ugu jiidey

Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene

Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede

 Isagey gargaaroo dugaag, iiga gooniyahe

 Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane

Gantaldheere waataan wax badan, guunyaduu maraye

Gef hadduu ku sii daray wixii, lagu gufeynaayey

Anigu waw garaad qabay inuu, gigi waraabuuye

Giriirix aan jirin waa wixii, gaabshey oo rogaye

 Gaalayska waataan la dhacay, gucurradoodiiye

 Haddeeyaan abaal gedin sidaa, uma gadoodneene

Godolkiyo gasnaantaan u qabay, kama gasnaaneene

Kama gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane

 Waxse mawd ku gaardiyay markay, ganafka taageene

 Gubaygii Shuxle ahaa haddaan, gowsaha jebiyey

Gegida Yuusuf  jiifaa tukuhu, gebas dhebaayaaye

 Geesaaska dumarkaa sidii, dumar la moodaaye

Geed-joogahoodii haddaan, gudurigii siiyey

Guska taajir baa ii haraan, ugu gamuumaaye

Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye

 Majeerteenka kale inaan ku gudo, weyga garanuuge

Garacyada Bah-Dira haatan, guuto loo wiciye

 Waa lagu gadaal xoorayaa, gurigii reer Nuure

Gabagaba-rogaalkaa warmaha, lagu garanayaaye

Goob bay ku wada le’an sidii, goosan weer helaye

Gafuurroxun sidii Eebbahay. Guuldarro u raacshay

 Afartaa geddii aan bartiyo, gololo’deydii dheh

 Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol neqaygii dheh

Madfac gow yiraahdiyo rasaas, gininigteedii dheh

Guluciyo mayay la isku daray, galangalkoodi dheh

 Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh

 Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl5 dheh

 Shir la gooday waayeel gab yiri, garangartiisii dheh

Xiriir lagu gimaamadahayiyo, gole firaasheed dheh

 Xaajada ninkii garanahayiyo, gig iyo sheeggeed dheh

 Gobo’ kalena waa aniga iyo, ged iska sheeggayga

 Galiilyoodayey cara miyay, gubatay laabteydu

 Gogoshii la sii dhigay miyaan, geydh la qaban waayay

Gabbal dhiciyo waabberi miyaan, socod ku garraaday

Gadiid maalin oo dhan miyaan, gaafka sare meeray

Sidii awr gabreed miyaan, gululubluu rooray

Ma gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay

 Ma geddaba dhabadkaa sidii, geri i boodheeyey

Gooxii aan yuururay miyaan, gibii madoobaadey

 Raggii igu gadaanna, miyaa aakhiro u guurey

Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday

Gammiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laalaadshey

Gelin haddii aan fooraray miyaan, giirka kor u qaaday

Guhaad iyo calool xumo miyaan, geyrtayo diriray

 Hadba gees miyaan dayey intaan, gownaxyada buuray

Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyey

 Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay

Ma gambaan u taagnahay intey, gaadho noloshaydu

 War ma Dhooddii baa gaamuroo, garabku weynaaday

Ma gaalasya midaan ku shubay, gamashigii deyrta

 Gorgor dhacay la moodyoow durduro, ma igu gooraamay

Godobteydu waa wada jirtaa, goonyahoo idile

 Geshi nimankuu leeyahayba waa, dabageleyaaye

Waxaan goosan karo anigu, waa gurubsanahayaaye

Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye

Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye

Geyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye

 Nin ganaanayaan ahaan, gabarna dhaafeyne

Waxaan geystoo idil wey, gun iyo rayrayne

 Wixii ii guldarreystaba naflaha, wow gaggabayaaye

 Anigaba geddey igu faleen waa, gaggaab culuse

 Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode

Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene

Anaa gaafahaygii nadhaye, geste nabarkiiye

Anaa rasaasta waxaan u gingimay, gini colaadeede

 Gabagebaha bari waxaa ku xigi, go’aha Iiddoore

Guban iyo Burciyo Looyo waa, gaalib weerara e

Gooddiga Arooraa fardaa, lagu garmaameyne

Garoodi iyo waxaa lagu tegi, buurihii Golise

Galaayuubta Hagar-Aaden baan, gaaddadow marine

Genbi waw ridi fulayadii, ganafka dheeraaye

 Geeltoosiyaha waa la siin, gucurradoodiiye

Sidii garow hadhuudh baan kurtiis, guran Ogaadeene

Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walba jooga

Inshaa Ilaahu waa gurahayaan, sidii gal miireede

 Guuraasiyo Iljeex waa la qaban, gooshka haatana e

Malahayga waa lagu galgalan, gaanka reer Dalale

 Gaas baan ku caran reer Subeyr, goborra weyntiiye

Kolaan Gooro-cobbaley ka dayo, amase Geel-loo-kor

Huwan waa ka gelingaabsan jirey, gelin ma waayaaye

 Haaruun xaggee baa la geydayan, Goha  miyuu dhaafi

Afartaa gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo

Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago

Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo

 Gebgebtiyo gallaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye

 Ninkii gooman waw shubahayaa, galaxa caanoode

 Gabbaan laguma soorenin raga, balaan ganuun siiyo

Waa gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadeydiiye

Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye

 Aan gofleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye

Xaajada nin gunaan ahaye, aan u garraddeeyo

 Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guureeyo

 Meeshuu garaadkeedu jiro, gow aan kaga siiyo

Niman gedo yareyn baan ahoo, Gaaddaweyn jiraye

 Waa ii garaad li’i dantay inaan, ka gaaftaaye

Goba kalena waa Eebbahay, midaan galliimeystay

Eebbow geyiga oo dhan waa, nalaka guulaaye

Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye

Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuuneeye

 Go’na laguma qaadine dulmay, nagu gelaayaane

 Gabbaad kale haddey noo helaan, waa gam’i lahaaye

 Eebbow waxay nagu gabreen, diinta soo gala e

Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye

Eebbow gamaan iyo waxaan gini, cas dhiibaayey

Eebbow garow kagama helin, goolashaan wadaye

Gambalaaligii bay warmaha, nagu garraaxeene

 Eebbow waa gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye

 Eebbow waxaan gabawareen, Gaagguf  iyo Xayde

Xirsigii garaaraha lahaa, gaarufkii dila e

 Geydhaale Aw-Aaden bay, galowga taabteene

 Eebbow geesigii Ina-Dherey, ugu guduudsheene

 Guxushaaga Beynaxa ilmadu, waataan gabaxleyne

Gorroska Muusae-Taaganaa, wadnuhu ila gariiraaye

Eebbow weys gamaamaa markuu, gaarka soo waro e

Guuleedku wuxuu noo ahaa, guurtii loo hirane

 Nimankii garaaddada ahaa waa, garow jabane

 Eebbow sidii gaantii maro, waa la gaasiraye

Eebbow gaari bay reer Warfaa, guradii saareene

Gudbi baan ku dhacay reerihii, gannaan jiraye

 Eebbow gooni baa lagu heliyo, guri qalaadheede

 Gugii ka haray reer Shawaa, caydh la golosleyne

 Waxa godey sidii qaanso, waa gaajo iyo ciile

Eebbow waxaa gorof ku raray, duul Geshiishaaye

 Cali geri sidii loo gondoloy,gobolba meel aadye

 Waa galangal nimankii fadhiyey, guriga Ciddeede

Eebbow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede

 Eebbow goonji weyn iyo xaq bay, naga gullafteene

 Guullow ma helayaan waxay, nagu gubayaane

Eebbow waxay naga gogtaan, waa gaaloof olole

 Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye

Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifeysaaye

Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye

 Ma garaysni Eebbow waxa, guufanayska ahe

Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gara’layne

 Eebbow markaan geylamay, guulmiyoo biqiye

 Eebbow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye

 Eebbow kufriga gedaftalay, gacanta haystaane

Eebbow anaa kugu garlee, guusha hay seejin!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here