Gabaygaan waxaa la tiriyay ka dib markii la dilay gaalkii lagu magacaabi jiray Koofil, waaxana tiriyay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Waa Kuma Koofil?
Richard Corfield waa gaal ka mid ahaa madaxda ciidamada gumeystaha Ingiriiska ee ku sugnaa dalka Soomaaliya.
Koofil markii dalka Soomaaliya la keenayay waxaa laga soo wareejiyey dalka Naayjeeriya.
Koofil markii dalka Soomaaliya la keenay wuxuu madax unoqday rukuubleyda loo yaqaanay (Camel Corps).
Koofil waxaa lagu dilay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe) ee Ingiriiska iyo Daraawiishta dhex maray, dagaalka ayaa dhacay 9, Agoosto1913kii.
Dagaalka lagu dilay Koofil ayaa bilowday subaxdii waxa uu soo gaaray ilaa iyo duhurkii; dagaalka ayaa socday in ka badan 5 saac, ka dib jabkii gumaystaha ku dhacay waxay fagaaraha dagaalka ooga carareen bakhtigii Koofil.
Madaxii Koofil iyo Gacantiisii midig ayaa caasimadii Daraawiish eeTaleex la keenay si loo rumaysto geerida gaalka.
Hogaamiye Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa tiriyay gabayga Koofil waxaa uu yiri:
Adaa Koofiloow jiitayaan, dunada joogayne.
Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede.
Jahannama la geeyoow haddaad, aakhiruu jahato.
Nimankii jannow kacay war hay, jirin inshaalleye.
Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto.
Sida Eebbahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda.
Daraawiish jikaar nagama deyn, tan iyo jeerkii dheh.
Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jab iyo baaruud dheh.
Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh.
Jigta weerar bay goor barqaa, nagu jiteeyeen dheh.
Anigana Jikrey ila helaan, shalay jihaadkii dheh.
Jeeniga hortiisay rasaas, igaga joojeen dheh.
Jiiraayaday ila dhacecn, jilic afkoodii dheh.
Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego.
Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji.
Nafjecleysigii baan u iri, jaallow iga daa dheh.
Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh.
Jeedaalladii baa indhuhu, kor u jillaadmeen dheh.
Jimic kagama helin luugmadaan, jirixey ruuxuu dheh.
Markaan juuq iraahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh.
Dhaaxaan jalaacaye dheg baan, jalaq la ii siin dheh.
Goortaan jarreerana gefoo, nolol ka jaan qaaday.
Sida janannadii horaa tashigu, igu jaguugnaa dheh.
Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh.
Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay.
Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh.
Markay, rubaddu jaw tiri or bay, iga ag jiibsheen dheh.
Jidhkaygii bahal baa cunoo, jiitay hilibkii dheh.
Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh.
Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh.
Haddaan lays jikaarayn, tolkay laga jil roonaa dheh.
Weligood waxaa lagu jaraa, jilibdhig duullaan dheh.
Daraawiishi waa jibindhowga iyo, jowga soo bixi dheh.