Gabayga Qabyaalad waa gabay aad u qiimo badan, bulshada Soomaaliyeed muhiimad gaar ah u leh, madaama cudurka qabyaaladu dhibaato badan uu ku haayo bulshadeena Soomaaliyeed.
Gabaygaan Qabyaalad waxaa tiriyay Abwaan Abshir Nuur Faarax oo ku magac dheer Abwaan Abshir Bacadle.
Gabaygaan wuxuu Abwaanka kaga hadlaaya qabyaaldda, oo ah musiibo weyn oo ku habsatay ummadda Soomaaliyeed.
Abwaanka waxa uu yiri:
Haddii lays qaddariyey murtidu, qiimo leedahay e
Qasadkiyo ujeeddaduna waa, qiiro geliyaane
Sidaad ugu qotimisay nafluhu, ugu qashuucaane
Bal an idin qanciyo gabaygu waa, idin quseeyaaye
Qaruun waliba cudur qaasahoo, qaybiyaa jiraye
Soomaali balo loo qorayee, qalinka loo saaray
Wax qabiil ka daran Jahannamaan, qiray aqoontay e
Qaddartoonow iga hiilisaye, qolo ma sheegteene!
Qabyaaladiyo iimaan la’aan, qooqay bays helaye
Kumanyaal qarriban bay dhaleen, qorina heegaysan
Oo qaaxo iyo aydhis qaba, qaad se ku illaabay
Mar un bay magaalada qaseen, kuna qammaameene
Qacdii hore ba bililiqo un bay, innagu qaadeene
Nimankaa tafaha qaawanoo, qoriga heegaysan
Haddaan baladka laga qaban Wallaa, looga qaxayaaye
Qaraabo iyo ahal riximnimaa, loo qaddariyaaye
Waa sanam qabyaaladi haddaad, ugu qancaysiine
Waa qaaxo iyo kaankar iyo, aydhis qaab daran e
Waa cudurka qaybaha bulshadu, qaran ku waayeene
Waa qawqab iyo sixir qalbiga, qaaciyoo shidaye
Waa qaabaqawsayn dagaal, qac iyo yaahuuye
Qanjir boogi qodotoo qurmoo, qolof la’ weeyaane!
Waa gorofta lagu qaybiyaa, malaxda qayriine
Qandiga fuqurka iyo xaasidkoo, qabaxa weeyaane
Waa waxa qoxootiga ka dhigay, boqol kun oo qoyse
Qalbigiinna ka ilaashadoo, wadajir qiimeeya
Qaangaar fidnoobee ilmaha, yaan la qabadsiinnin
Qiso murugo iyo yaab leh baan, soo qayaxayaaye
Qof Muslin ah qabyaalad u diloon, ficil yo qawl qaysan
Qasadkiyo ujeeddaduna tahay, lagu qisaasaayo:
Qabiilkaa muxuu uga dhashaye, qaaddir uga yeelay!
Qiso murugo iyo yaab lahoo, quruna saw maaha?
Waa quud ka dhigo ruux Muslin ah, hilibki qayriine!
Ilaahayow Adigu haygu qaban, Qaaddir baad tahaye
Qof kastoo ka qayb-qaata amma, qarash ku taageera
Nafta goorta laga qaadayoo, laga qibloonaayo
Qarqarradiyo dhuunyeeristiyo, qarow la taahiisa
Qac baa loogu siiyaa indhaha, kiiska loo qoray e
Diiwaanka qalinku ugu dhacay, qoommamee abide!
Wax ba gabaygu yuun ila qarxine, waan qabbirayaaye
Kama quusto qayr-dheeg dadkuna, igama qaataane
Rag un baa se qiimaynayoo, qoraya taariikhe
Ha qaddarin Dimuqraaddi waa, qolo afkaartoode
Hantiwadaagna laga quusayoo, lagu qasaarowye
Quboo daadsha labadaba Wallaan, lagu qaboobayne
Quraankiyo Sunnaa muqaddaska ah, qaata xukunkooda
Qurratul-cayni Nebi Muxammad baan, lagu qasaarayne (NNKH).