Suuriya waa mid kamid ah dalalka dhaca dhulka barakaysan ee Shaam, wuxuuna safka hore kaga jiraa waddamada ay ku dhibaataysan yihiin Muslimiinta gaar ahaan Sunniyiinta, waxaana ka taliya maamul diin ahaan haysta mad-habka Shiiciga ah ee Nuseeyriyada, kuwaas oo uu ku tilmaamay Sheekhul-Islaam Ibu Taymiyah in ay ka gaalnimo badan yihiin Yahuudda iyo Nasaarada.
Warbixin ay soo saartay mid kamid Hay’adaha sheegta in ay udoodaan, xuquuqul insaanka ayaa daaha ka qaaday dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka Suuriyaanka ah ee dalkooda dib ugu soo laabanaya, kuwaas oo naftooda kala soo cararay Lubnaan, kadib markii ay ka qarxeen dagaallo udhaxeeyo Ururka shiiciga ah ee Xizbuullaah iyo maamulka Yahuudda ee gumaysiga ku haysta dhulka Falastiin.
Sida laga soo xigtay tirokoobyada Qaramada Midoobay, iliaa 430,000 oo qof ayaa ka gudbay xadka Lubnaan iyagoo utalaabay dhanka Suuriya, halka tirokoobyada rasmiga ah ee kasoo baxay dalka Lubnaan ay muujinayaan in ay utaalaabeen dhanka suuriya in ka badan 500,000 oo qof, tan iyo dabayaaqadii bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, kuwaas oo boqolkiiba 70 ay yihiin Suuriyaan, halka inta soo hartayna badankooda ay kasoo jeedaan dalka Lubnaan.
Shabakad sheegata in ay udooda Xuquuqda Aadanaha ee dalka Suuriya ayaa warbixin ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay, in ugu yaraan 26 qof la xiray oo ay ku jirto haweeney, halka ruux kamid ah maxaabiistaasna uu udhintay jirdil loogu gaystay xarumaha maamulka Nusayriyada ee dalka Suuriya, muddadadi u dhexeysay 23- illaa 25, Sebtembar ee sanadkaan.
Warbixinta oo ka kooban 20 bog, cinwaankeeduna yahay “Dhibaatooyinka ay wajahayaan Qaxootiga Suuriya ee ka soo laabanaya Lubnaan” ayaa lagu yiri: “Qoxootiga Suuriya ee ku sugan Lubnaan waxa ay la kulmayaan xaalado sii xumaanaya, si ay u daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah ee cuntada, hoyga, iyo dhanka caafimaadka, waxa ay qaarkood isku arkaan inay ku qasban yihiin in ay ku noqdaan Suuriya, in kasta oo ay jiraan khataro ammaan iyo xasillooni darro ka jirta dalka Suuriya.”
Warbixintu waxay intaa ku dartay: “in Qaxootigan aysan haysanin dawlad udammaanad qaadda ammaankooda, marka ay ku laabtaan Suuriya, taas oo ku kallifaysa inay qaataan go’aanno adag oo sii kordhinaya dhibaatada haysata. ”
Shabakadu waxay tilmaantay, in Suuriya ay tahay jawi aan ammaan ahayn, oo aan lagu soo celin karin qaxootiga, waxayna sheegtay, in maamulka Suuriya uu sii wado dhaqamadiisa caburinta ah, oo ay ku jiraan xarig aan sabab lahayn, jirdil iyo nooc kasta oo ciqaab ah, tasoo ka dhan ah dadka Sunniyiinta.
Si guud shabakadu waxa ay diiwaangelisay, in ciidamada Nusayriyada Bisaar Al-Asad ay xireen ugu yaraan 208 qof oo xoog loogu soo celiyay dalka Suuriya tan iyo bilowgii 2024, oo ay ku jiraan 2 carruur ah iyo 6 dumar ah, 6 kamida maxaabiistan ayaana ku dhintay jir dil loogu gaystay xabsiyada Nuseeyriyada ee dalka Suuriya.
“Nidaamka Bishaar Al-Asad wuxuu ku talo jiraa in uu soo saaro sharci u oggolaanaya in uu si xoog ah ku qabsado hantida qaxootiyada iyo barakacayaasha, taasoo qayb ka ah siyaasad nidaamsan oo lagu xoojinayo xakamaynta dhulalka iyo hantida ay ka tageen milkiilayaashooda.” Ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay Shabakadda.
Xadgudubyada lagu xusay warbixinta waxaa kamid ah xarig sharci darro ah, oo uu la socda jirdil, iyo in dadka xoog lagu askareeyo laguna biiriyo ciidamada nidaamka Suuriya, iyadoo ay u sii dheertahay in laga qaado lacago baad ah, iyo in xattaa la takooro xilliyada la qaybinayo macaawinooyinka.
Warbixintu waxa ay tilmaantay in qaxootiga Lubnaan ee ku soo qaxay Suuriya ay heleen ku dhawaad 30 xarumood oo hoy rasmi ah, kuwaas oo laga qaybiyay dhawr gobol oo Suuriya ka tirsan, halka inta badan qaxootiga Suuriya, gaar ahaan kuwa guryahoodii la burburiyay, ay weli yihiin kuwo aan haysan hoy rasmi ah.
Qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa lagu qasbay in ay ku tiirsanaadaan taageerada qaraabadooda ama ay miciin bidaan xerooyin aan rasmi ahayn.
Warbixintu waxa ay tilmaantay in illaa 23,409 qof oo Qaxooti Suuriyaan ah oo ka soo laabtay Lubnaan ay aadeen meelo ka baxsan maamulka Nusayriyada ee Bishaar Al-Asad, si ay uga fogaadaan dhibaatada nidaamkaas.
Dhibaatooyin kuwaan oo kale ah ayeey wajahayaan Muslimiinta Sunniyiinta ah ee ku nool dalalka Ciraaq, Yemen iyo Iran oo dhamaantood ay ka taliyaan maamullo haysta madaahibta Shiiciga ah ee baalmarsan diinta Islaamka.