Wararka ka imaanaya degaanka Bur-Salaax oo dhaca galbeedka Gobalka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in rag dableey ah oo hubeysan ayaa dil ka gaysteen degaankaas.
Maleeshiyada hubeysan ee dilka gaystaya, ayaa waxa ay ku dileen gudaha degmadda Bur-Salaax laba ruux oo ka mid ah dadka deegaanka oo si fiican looga yaqaan islamarkaana ah ganacsato kuwaasoo lagu kala magacaabi jiray Burhaan dhaga-dhuub iyo Mahad Sayuun.
Marxuumka la dilay ee urhaan dhaga-dhuub, ayaa ahaa maamulaha shirkadda wayn ee isgaarsiinta ee Golis ee laanteeda Bur-Salaax ee gobalka Mudug ee maamul goboleedka Puntland, iyadda oo kooxddii dilka gaysatay ay goobta isaga baxsatay oo aan gacanta lagu dhigin.
Sida warar lagu kalsoon yahay ee sheegayaan, dilkan ka dhacay Bur-Salaax ee gobalka Mudug, ayaa la sheegay in ay la xiriirto aano qabiil oo u dhaxayso laba beelood oo walaalo ah oo halkaasi xurguf ku dhex martay.
Maamul goboleedka Puntland, ayaan ilaa haatan ka hadal oo wax war ah ka soo saarin falkan dilka ah ee ka dhacay Bur-Salaax ee Gobalka Mudug.