Wargeyska Cibraaniga ah ee Yedioth Ahronoth ayaa Talaadadii sheegay, in tirada dhismayaasha ku burburay waqooyiga dhulka Falastiin ee gacanta Yahuudda ku jira ay kor u dhaafeen 8,800 oo dhismo, halka in ka badan 7 kun oo baabuur ah iyo in ka badan 300 oo goob-beereed ah ay waxyeelo soo gaartay.
Wargeysku waxa uu intaa ku daray, in tirada warbixinada ay ka heleen dadka degan waqooyiga ee la xiriira khasaaraha hantidooda ka soo gaaray gantaallada Xizbullaah ee Lubnaan ay kor u dhaafeen 17 Kun oo warbixinood.
Waxa uu ku tilmaantay baaxadda burburka ka dhacay deegaanka Kiryat Shmona mid aan la rumaysan karin, isagoo ku nuuxnuuxsaday ,in kaliya soo celinta dugsiyadii burburay ee magaalada ay qaadan doonto illaa 4 bilood.
Yedioth Ahronoth ayaa sheegay, in qiyaastii $38 Milyan la siiyay illaa hadda dadka degan magaalooyinka Haifa, Acre, iyo Tiberias si ay magdhow ugu noqota khasaaraha soo gaaray.
Tan iyo markii ay billowdeen iska hor imaadyada udhaxeeya Xizbullaahi iyo Yahuudda, waxa ay Xizbullaah kumanaan gantaallo ah ku garaacday deegaannada iyo magaalooyinka ay Yahuudda gumaysiga ku haysato ee Falastiin.
Maalin ka hor shalay oo Axad ahayd, xisbigu waxa uu 340 gantaal ku garaacay meelo badan oo ay ka mid yihiin Tel Aviv, Haifa iyo Nahariya.