Madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ah ee Tigreega ninka lagu magacaabo Getachew Reda ayaa qaylo dhaan u dirsaday dowlada Xabashida Itoobiya.
Getachew ayaa sheegay in dawladda federaalku ay haysato sabab wanaagsan oo ay u bixiso nooc kasta oo taageero ah” oo ay ku jirto soo faragelinta gobolka Tigreega.
Getachew ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka iyo beesha caalamka oo qeyb ka ah heshiiskii Pretoria ay ku xisaabtamayaan xaalada sii xumaaneysa ee Tigreega iyo dhibaatooyinka baaxada leh ee uu sababay burburkii heshiiskii Pretoria.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kooxda TPLF ee laheshiisay dowlada Eritareeya arintaas sababi karta dagaal ka qarxa mandiqadda.