Askar kasoo goosatay dawladda fadaraalka ayaa lagusoo bandhigay gobalka Shabellada Hoose, kuwaas oo si diiran loogusoo dhaweeyay dhulka ay ka arrimiso xarakada mujaahdiinta Al-Shabaab.
Askartaan oo ay tiradoodu gaaraysay illaa 5 askari ayaa lagusoo bandhigay deegaanka Kuunyo-barrow ee ka titsan gobalka Shabellada Hoose.
Warbaahinta Islaamiga ah oo waraysiyo ka qaaday ayay askartani waxay sheegeen inay kakala yimaadeen magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe, waxayna ka warbixiyeen waxyaabaha ku kallifay iney isaga soo baxaan Dowladda Fedaraalka, iyagoona qaarkood ay sheegeen iney si dirqi ah kaga soo badbaadeen dagaallo ka dhacay goballada dhexe ee Soomaaaliya.