Godoomiyihii Gobalka Banaadir oo laga Cayriyay Shaqada.

8
0

Xasan Sheek Maxamuuda ayaa xilkii ka xayuubiyay,  godoomihii gobalka Banaadir Yuusuf Jimcaale (Madaale), isaga oo badalkiisa u magacaabay  Maxamed Axmed Amiir, kaas oo noqonaya godoomiha cusub ee gobalka Banaadir.

Madaale ayaa ka mid ahaa xubnihii ugu caansanaa ee uu Garguurta u adeegsanayay boobka ka dhanka ah dhulalka shacab reer Muqdisho, waxaana maalin kasta ay soo tabinaysay warbaahinta dad ka cabanaya Madaale, kuwaas oo qaarkood sheegayay, inuu san ninkaas ka daalaynin sharta.

Waxaa xusid mudan, in sidoo kale xilka laga qaaday taliyihii maleeshiyaatka Bangarafta ee magaalada Kismaayo, kaddib markii uu cirka isku shareeray khilaafka udhaxeeya dawladda Fadaraalka iyo maamulka la magac baxay Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here