Qaramada Midoobay oo Ansixisay Duulaan cusub oo ka dhan ah Soomaaliya.

6
0

Waxa loogu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii shalay ansixiyay qaraar ku saabsan in Soomaaliya la geeyo ciidamo cusub oo ka socda Midowga Afrika, kuwaas oo bedeli doona ciidamada hadda jira, waxa ayna billaaban doonaan horraanta sannadka soo socda 2025-ka.

Ciidamadan cusub oo loo bixiyay magaca AUSSOM ayaa la sheegay inay shaqeyn doonaan muddo hal sano ah, waxaana ay bedeli doonaan ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ahaa ee loo soo gaabiya (ATMIS) kuwaas oo muddadooda ay ahayd sanadkii 2022 ilaa dhamaadka sanadkaan 2024-ka.

Golaha amaanka ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay go’aanka lagu dhisayo ciidamada cusub, waxaana la sheegay in dalka Mareykanka oo kaliya uu ka aamusay, kaas oo sheegay inuu ka tanaasulay mawqifkiisii ku aadanaa dhaqaalaha ciidamadan.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters, in Midowga Yurub iyo Mareykanka – oo ah kuwa ugu badan ee dhaqaalaha siiya ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya – ay doonayaan in la dhimo tirada ciidamada Midowga Afrika, sababo la xiriira walaaca laga qabo dhaqaalaha iyo sii jirista mustaqbalka fog, iyagoo xusay in kawada xaajoodka ciidamada cusub inay ahayd arin aad u adag.

Khilaaf in mudda ah soo jiitamayay oo ku saabsanaa cidda dhabarka u ridanaysa maal-gelinta isbahaysiga AUSSOM ayay gaalladu xal ka gaareen waxayna bixinta qarashaadka u qeybsadeen sidan:

75% waxaa ciidamada Afrikaanta maal-gelinaya waxa loogu yeero deeq-bixiyeyaasha oo ay ka mid yihiin Mareykanka, midowga Yurub iyo dowladaha Khaliija Carabta halka ururka midowga Afrika iyo UN-ku ay bixinayaan 25%.

Geesta kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay,inaysan dawladda Itoobiya qayb ka ahayn hawgalkaan, iyadoo la ogyahay inay dalka ka dhisatay maamullo iyada daacad u ah.

Ciidamada Afrikaanta oo Soomaaliya kusoo duullay sanaddii 2007 ayaan weli xaqiijin ahdaaftii ay reer-galbeedku u igmadeen, kuwaas oo markii ay dalka imaanayeen huwanaa shaatiga AMISOM balse sanaddii 2022 ayaa shaatiga loo bedelay waxaana loo bixiyay ATMIS hadda oo la joogo dhammaadka 2024 ayaa magaca cusub looga dhigay AUSSOM.

Si kastaba ha ahaatee, Arintaan ayaa ku soo beegmayso, iyadoo Xasan Sheekh Maxamuud madaxwaynaha dawladd Fadaraalka uu wajahayo asmo siyaasadeed oo ku saabsan siduu isu waafajin lahaa shisheeyaha is diidan ee danaha kala duwan ka leh Soomaaliaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here