Jassim Al-Budaiwi, Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday xerada ciidamada isbahaysiga ee magaalada Sayuun ee Jamhuuriyadda Yemen. Kaas oo sababay dhimashada labo sarkaal iyo dhaawaca mid kale oo ka tirsan ciidamada Sucuudiga.
Xoghayaha ayaa sheegay, in ciidamada isbahaysigu ay wadaan dadaallo badan oo lagu caawinayo laguna taageerayo hawlaha bani’aadantinimo iyo horumarinta, taas oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida, amniga iyo midnimada Yemen, waa siduu hadalka udhigaye, wuxuuna geesta kale tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen labada sarkaal.
Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale si kulul ucambaareeyay weerarkii lagu qaaday ciidamada Sacuudiga ee ku sugnaa xerada ciidamada isbaheysiga ee magaalada Sayuun ee dalka Yemen, kaas oo sababay dhimashada labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada Sacuudiga iyo dhaawaca mid kale.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Imaaraadku uu si weyn ucambaareynayo falalkas.
Wasaaraddu waxay muujisay sida ay ugarab taagan tahay ciidamada Sucuudiga ee kala qayb qaadanaya ciidammada isbahaysiga hawlgallada ay ka wadaan Yemen, iyadoo ku nuuxnuuxsatay taageerada uu Imaaraatka u hayo tallaabooyinka ay Boqortooyada Sucuudigu ku ilaalinayso ammaankeeda iyo badbaadada askarteeda iyo muwaadiniinteeda.
Weerarkan oo uu fuliyay qof aan haybtiisa la aqoonin, ayaa ka dhacay xerada ciidamada isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo, ee ku taalla magaalada Sayuun gobolka Xadramuut ee bariga Yemen.