Golaha Wasiirada oo Soo Saaray Qaraar Mamnuucaya Ka Ganacsiga Hubka.

53
0

Golaha Wasiirada ee DF ayaa habeenkii xalay kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xaruntooda Muqdisho iyagoo soo saaray laba xeer oo kala duwan.

Goluhu wuxuu ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, sidoo kale wuxuu soo saaray Qaarka Mamnuucidda ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka (Cirtoogte).

Afhayeen u hadlay DF ayaa sheegay in goluhu uu kulankiisii xalay ku ansixiyey Siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya iyadoo DF agagaarka magaalada Caabudwaaq looga dhacay hub badan oo la sheegay in xubno iyada ka tirsan ay kasoo iibsadeen magaalada dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here