Guddoomiye Ku Xigeenkii Koowaad Ee Maamulka Degmada Baladxaawo Oo U Geeriyooday Dhaawac Shalay Soo Gaaray.

44
0

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax maalintii shalay ka dhacay degmada Baladxaawo uu ku dhaawac guddomiye ku xigeenkii koowaad ee maamulka degmada Baladxaawo.

Balse gudoomiyaha ayaa u geeriyooday maanta dhaawicii soo gaaray shalay.

Gudoomiyaha geeriyooday ayaa lagu magacaaba Cabdifitaax Nuur Mataan oo sidoo kale ahaa xildhibaan hore.

Masuuliyada qaraxa oo khasaaro xooggan gaystay waxaa sheegtay xarakada mujahidiinta Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here