Cabdi Sahal Shuuriye Xuseen oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee magaalada Baladweyne ee maamulka goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay lagu dilay gudaha degmadaas.
Gudoomiyae ku xigeenka waxaa dilay kooxo burcad ah oo hubeysan, kuwaas oo rabay iney ka dhacaan Mobile uu watay.
Amaanka magaalooyinka ay gacanta ay ku haayaan ciidamada shisheeye iyo kuwa DF ka ayaa ku caan baxay dilalka, dhaca, kufsiga iyo dagaalka qabiilada dhexmara.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ilaa iyo hada xal u helin sugidda amaanka magaalooyinka ay maamusho.