Bishan Ramadaan ee nasii sagootinaysa ayaa ahayd bil gaba ahaanba ka duwnayd Ramadaanadii soo mari jiray gayigeenna Soomaaliya, waxa ayna ahayd bil Jihaadka Bariga Afrika uu ku talaabsaday horumarro ballaaran.
Bishan ayaa Xarakada Mujaahiidiin Al-Shabaab iyo taageera-yaasheeda ugu suntanayd halgan, nafhurid, Jihaad iyo futuuxaad, halka dowladda Fadaraalka iyo atbaacdeedana ay ugu astaysnayd jab, halaag iyo guuldarro.
Intii lagu guda jiray bishani waxaa ku dhaqan Shareecada Islaamka lagu soo celiyay deegaanno iyo degmooyin aad ufara badan, kuwaas oo ka tirsan goballada Shabeellooyin. Ka gadaalla marka in muddo ah lagu maamulayay dimuqaraadiyadda iyo cilmaaniyadda laga soo min-guuriyay Yahuudda iyo dowladaha Reer Galbeedka.
Maanta magaalooyin badan oo uu soonka usoo galay iyagoo ku hoos jira gumaysiga Shisheeyaha iyo kaba-qaadkooda dowladda Fadaraalka ayaa waxaa ay isku diyaarinayaan ciidda, iyagoo ku hoos jira hoos neecawda badan ee Shareecad Islaamka, taas oo lagala dagaalamayay sanooyinkan danbe.
Inkasto duruuraha nasrigan iyo futaaxaadkan ay hooreen 20-kii Shacbaan haddana waxaa la oran karaa waxa naqoodii la dareemay intii lagu guda jiray bishan barakaysan ee Ramadaan.
Si kastaba ha ahaatee waxaan warbixintani kusoo koobi doonaa qaar kamida dagaalladii iyo futuuxaadkii ugu waawaynaa ee ka dhacay Soomaliya intii lagu guda jiray bishan barakaysan ee Ramadaan, anigoo usoo gudbin doona sida ay isugu xigxigeen.
Waxaan sidoo kale sheegi doonaa khasaaraha ciidamada dowladda Fadaraalka lagu gaarsiiyay dagaaladaas, haday ahaan lahayd mid nafeed iyo tu hantiyadeed.
Furashadii Biya-cadde
1 Ramadaan 1446 H dhanka kalana ay ku astaysnayd 1 Maarso 2025, cutubyo ka tirsam malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegay magaalada Biya-cadde ee gobalka Shabeellada Dhexe, halkaasi oo ay fariisimo ku lahaayeen ciidamada dowladda Fadaraalka.
Marka laga sootago la wareegidda magaalada, dowladda Fadaraalka waxaa dagaalkani looga dilay 13 askari, waxaana lagu dhaawacay 9 kale, halka laga gubay gaari C/Bile ah.
Lawareegiddii Boos-hareeri
3 Ramadaan 1446 H Miilaadiduguna ay ku beegnayd 3 Maarso 2025, waxay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal ku qaadeen ciidamadii dowladda Fadaraalka ee ku sugnaa deegaanka “Boos-hareeri” ee hoos taga degmada Aadan-Yabaal, ee gobalka Shabeellada Dhexe.
Dagaalkaan oo ahaa mid faraha la iskula tagay ayay guusha ku raacday ciidamada Al-Shabaab, waxayna guud ahaan la wareegeen deegaanka, iyagoo halkaasi ku dilay 20 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Fadaraalka, halka ay ku dhaawaceen 9 kale, waxaa sidoo kale Mujaahidiinta soo qaniimeysteen 23 qori oo ciidamada dowladda Fadaraalka goobta uga carareen.
Furashadii War-Ciise
5 Ramadaan 1446 H dhanka kalana ay ku astaysnay 5 Maarso 2025, Malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka War-Ciise oo qiyaastii 25km u jira magaalada Jowhar ee Shabeellada Dhexe.
Waxayna la wareegidda deegaankaani qalqal iyo qoob gariir ku abuurtay ciidamada dowladda Fadaraalka ee ku sugan dagmada Jowhar.
Lawareegiddii “Laba-Garas”
6 Ramadaan 1446 H Miilaadugana ay ahayd 6 Maarso 2025, Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaa ayaa dagaal xooggan ku qaaday deegaanka “Laba-Garas” oo hoostagta degmada Cadale ee gobalka Shabeellada Dhexe, halkaasi oo ay fariisimo ku lahaayeen ciidamada dowladda Fadaraalka.
Dagaal xooggan kadib, Waxaa Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaa u suuragalay inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta deegaanka “Laba-Garas”, ciidamada dowladda Fadaraalkana sidii looga bartay cagaha ayay wax ka dayeen.
Dagaal ka dhacay duleedka “Boos-Hareeri” iyo furashadii Al-Khawthar.
7 Ramadaan 1446 taariikhda kalana ay ku beegnayd 7 Maarso 2025, dagaallo kharaar oo gacmaha la iskula tagay ayaa ka dhacay duleedka deegaanka “Boos-Hareeri” ee hoos taga degmada Aadan-Yabaal ee Shabeellada Dhexe.
Dagalladan oo ahaa kuwa ka fool ka fool ah ayaa waxaa guul darro aad u xun dhabar loogu saariyay ciidamada dowladd Fadaraalka.
Mujaahidiinta ayaa dagaaladaasi kula wareegay laba gaari oo mid kamid ah uu ku rakibnaa qori Suug ah oo uu lahaa Saneey Cabdulle, halka gaariga labaadna uu ahaa gaari Haar-toob ah.
Dagaalladaasi waxaa lagu dilay 24 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda Fadaraalka, ayna ku jireen 2 sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Garmaqaate iyo Adeerow. Waxaana lagu dhaawacay 8 kale, iyadoona Mujaahidiinta ay sidoo kale gacanta ku dhigeen Maxaabiis dagaal.
Isla 7 Ramadaan Ciidamada Mujaahidiinta ayaa mar kale la wareegay gacan ku haynta deegaanka Al kowthar ee gobalka Shabeellada Dhexe, kadib markii ay halkaasi isaga carareen ciidamadii dowladda Fadaraalka.
Istish-haadiyo iyo inghimaasi ka dhacday Baladweyne iyo dagaal ka dhacay “Bursha-Sheekh”
11-bishan sii dhimanayso ee Ramadaan dhanka kalana ay ku astaysnayd 11 Maarso 2025, waxaa dhacay weerar iskugu jiray camaliyad istish-haadiyo ah iyo inghimaasi, kaas oo lagu qaaday xarun ku taalla magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, waxaana ka socday abaabul ciidan oo ka dhan ahaa goobaha lagu maamula Shareecada Islaamka ee ka tirsan galbeedka Hiiraan.
Weerarkan oo ay fuliyeen guutada istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lala beegsaday saraakiishii hormuudka ka ahaa abaabulkaas, kuwaas oo xilligaas kuwada sugnaa gudaha xarunta.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana xaqiijisay, inay weerarkaas ku dishay, in ka badan 20 xubnood oo ay ku jireen afar kamid ahaa horjoogayaashii loo xilsaaray gulufkaas dhicisoobay.
Isla maalintaas, dagaalka xooggan oo ka dhacay deegaanka “Bursha-Sheekh” ee duleedka degmada Cadale, ayaa ciidamada dowladda Fadaraalka waxaa looga dilay 18 askari, oo 10 kamid ah meydadkooda ay uga carareen goobta dagaalka kuwaasi oo ay ku jireen Saraakiil, halka laga dhaawacay in ka badan 30 kale.
Furashadii Awdheegle iyo Sumadaale
15 Ramadaan 1446 H taariikhda kalana ay ahayd 15 Maarso 2025, cutubyo aad u qalabaysan oo ka tirsan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar cagmarin ah ku qaaday saldhigyadii ay ciidamada dowladda Fadaraalka ku lahaayeen degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellada hoose.
Weerarka oo billawday xilli oroornima ah ayaa si xun loogu jabiyay ciidamadii dowladda Fadaraalka ee halkaas ku sugnaa, halka ciidamada Al-Shabaab ay guud ahaan la wareegeen gacan ku haynta degmada Awdheegle.
Waxana dagaalkaasi lagu dilay 31 isugu jirtay askar iyo saraakiishii hogaaminaysay, halka lagu dhaawacay 36 kale. Ciidamada Al-Shabaab ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub, saanad iyo maxaabiis laga qabtay ciidamadii dowladda Fadaraalka ee guuldarradu ku habsatay.
Isla 15 Ramadaan, Ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Sumadaale oo hoostaga degmada Cadale ee Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada dhexe.
Dagaal muddo socday kadib, ciidamadii dowladda Fadaraalka ee fariisimaha kula haa deegaanka ayaa isaga firxaday saaxada dagaalka, kadib markii ay u adgeysan waayeen rasaasta ciidamada Al-Shabaab.
Waxaana halkaasi dhagta dhiigga loogu daray askar tiradoodu gaaraysay 22 askari, kuwaas oo 10 kamid ah maydadkooda goobta dagaalka looga cararay, halka lagu dhaawacay 43 kale. Ciidamada Al-Shabaab ayaana gacanta ku dhigay hub iyo saanad ay lahaayeen ciidamada dowladda Fadaraalka.
Weerar cagmarin ah oo ka dhacay deegaanka “Warta Dibi Samatar” iyo Qaraxii lala beegsaday Gurguurta.
18 Ramadaan 1446 H taariikhda kalana ay maraysay 18 Maarso 2025, Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tiesan malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa cagta mariyey fariisimo ay ciidamada dowladda Fadaraalka gaar ahaan kuwa “Gorgor” ku lahaayeen deegaanka “Warta Dibi Samatar”, kaas oo dhaca duleedka magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobalka Shabeellada dhexe.
Dagaal faraha la iskula tagay kadib, ciidamada Xarakada Mujaahidiintu Al-Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay xerooyinkii ay weerareen.
Waxaana halkaas ciidamadii Gorgor looga dilay in ka badan 42 askari, waxaana laga qaniimaystay hub u badnaa qoryaha AK-47 iyo PKM. Sidoo kale waxaa ciidamadaasi laga qabtay maxaabiis dagaal.
Isla 18 Ramadaan, Qarax culus oo ka dhacay albaabka madaxtooyada villa Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu beegsaday kolonyo uu la socday Xassan Gurguurte xilli uu kusii jeeday dhanka garoonka diyaaradaha.
Daqiiqada kadib, Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, iyadoo sheegtay in bartilmaameedka uu ahaa madaxwaynaha dowladda Fadaraalka Xassan Sheekh Maxamuud.
Waxaana halkaasi ku basbeelay mid kamid gadiidkii galbinayay Garguurta, kaas oo baraha bulshada lagu faafiyay sawiradiisa. Iyadoo intaasi lagu darayo, in weerarkaasi uu caalamka ka dhaliyay hadal hayn wayn, halka ay si toos u canbaareeyeen qaar kamida dowladaha reer galbeedka iyo kuwa Carabta ee dabadhilifka ah.
Furashadii Sabiid iyo Guullane.
20 Ramadaan 1446 H dhanka kalana ay ku beegnayd 20 Maarso 2025, ciidamo ka tirsam Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa weerar xasmin ah ku qaaday labo xero oo ay ciidamada dowladda Fadaraalku ku lahayeen deegaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada hoose.
Dagaal aad u kharaar kadib, waxay guusha ku raacday ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoo si buuxda ula wareegay deegaanka Sabiid oo ah deegaan 10-km u jira degmada Afgooye, halka 40-km uu Koonfur-galbeedna uga beegan yahay magaalada Muqdisho.
Weerarkaas ayaa lagu dilay 26 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Fadaraalka, waxaana lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan oo uu ku jiray Taliye ku xigeenka Ciidanka Lugta Cabdulaahi Aden xuseen (Ciro ).
Isla 20 Ramadaan Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si nabad galyo ah kula wareegay deegaanka “Guullane” oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, kadib markii halkaasi isaga carareen ciidamada dowladda Fadaraalka.
Furashadii Bariire
21 Ramadaan 1446 H dhanka kalana ay ku astaysnayd 21 Maarso 2025, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire oo ah deegaan u dhaxeeya degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye kadib markii ciidamada dowladda Fadaraalka cabsi awgeed isaga carareen deegaankaas.
Ciidamada dowladda Fadaraalka ee ku sugnaa deegaankaas ayaa cagta furay, iyagoo ka cabsi qabo inay ku dhacaan, waxii ku habsaday saxiibadoodii ku sugnaa Awdheegle iyo Sabiid oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Furashadii “Ilbaq”
21 Ramadaan 1446 H Miiladiguna ay ku beegnayd 21 Maarso 2025, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si nabad galyo ah kula wareegay xerada “Ilbaq” ee dhacda inta u dhaxeeysa Balcad iyo deegaanka Qalimow, kadib markii ay halkaasi isaga carareen ciidamadii dowladda Fadaraalka ee xeradaasi daganaa.
Furashadii degmada Tawfiiq iyo Geelgub
26 Ramadaan 1446 H/26 Maarso 2025, cutubyo ay u dhamaystiran yihiin hubka noocyadiisa kala duwan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa cagta mariyay gabi ahaan xerooyinkii ay ciidamada dowladda Fadaraalka ku laheeyeen degmada Tawfiiq (Masaajid Cali Guduud) ee gobalka Shabeellada Dhexe..
Ciidamadii dowladda Fadaraalka ee lagu weeraray halkaas ayaa u qayb samay wax dhagta dhigga loo daray, kuwa dhaawacmay, wax gacanta lagu dhigay iyagoo maxaabiis ah iyo kuwa cagta maalay isagana baxsaday saaxada dagaalka.
Kuwaas oo firxadkoodu uu gaaray deegaanka Geelgub, balse halkaas waa ay kasii firxadeen, kadib markii ay ka warheleen in ay kusoo wajahan yihiin ciidamada Al-Shabaab.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana isla maalintaas si nabad galyo ah kula wareegay deegaanka Geelgub oo 10km u jiraa deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale.
Xiligaas waxaa Cadale ku sugnaa madaxwaynaha dowladda Fadaraalka Xassan Sheekh Maxamuud, balse isla markiiba si degdeg ah ayaa lagala cararay Cadale, kadib markii ay ciidamada Mujaahidiintu aad ugu dhawaadeen magaalada, waxaana lagu soo qaaday diyaarad helikobtar ah, taas oo ka dajisay magaalada Muqdisho.
Gunaanad
Ugu danbayntii, waxaa xusid mudan in hawl-gallada ay Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab fulisay bishan ay aad uga badan yihiin kuwa aan kor kusoo sheegnay, balse kuwaani waa kuwii ugu caansaan uguna saamaynta badnaa, marka loo fiiriya baaxadda khasaaraha gaaray dowladda Fadaraalka.
Maxaayeelay dowladda Fadaraalku waxa ay dagaaladani ku waysay askar, saraakiil, hub iyo saanad fara badan, halka laga fara maroojiyay deegaanno iyo dagmooyin fara badan, kuwaas oo ku yaalla goballada Shabeellooyinka.